Maxaa kasoo baxay kulanka Fiqi iyo saraakiisha Masar? + Sawirro
Muqdisho (Caasimda Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wafdi saraakiil ciidan ah oo ay Muqdisho usoo dirtay dowladda Masar, iyada oo uu wehliyo Danjiraha Qaahira u fadhiya magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Salaax…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimda Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wafdi saraakiil ciidan ah oo ay Muqdisho usoo dirtay dowladda Masar, iyada oo uu wehliyo Danjiraha Qaahira u fadhiya magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Salaax Keshtah.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha danaha wadaagga ah iyo horumarinta iskaashiga difaaca iyo amniga.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyey garab-istaagga ee ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dalka iyo taageerada Dowladda Masar ee dadaallada Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dhankiisa Danjiraha Masar ee Soomaaliya, Maxamed Salaax Keshtah ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageeradooda, isla markaana Dowladda Federaalka ay ka gacan siin doonaan amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Masar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay sanadihii ugu dambeeyay, kadib heshiisyo ay kala saxiixdeen labada dhinac, oo ay ugu muhiimsan tahay difaaca dalka.
Masar sidoo kale waxay ka mid tahay dalalka loo xushay inay ciidamo ku biiriyaan AUSSOM, oo billowgii 2025 beddelay howlgalkii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Si kastaba, ha’ahaatee, Imaatinka ciidamada Masar ayaa sii xoojinaya xiriirka amni iyo milatari ee u dhexeeya Muqdisho iyo Qaahira, kaas oo sanadihii dambe si weyn u kordhay. Masar waxay Soomaaliya siisay taageero militari iyo tababbar, iyadoo labada dowladood ay sidoo kale xoojiyeen xiriirkooda siyaasadeed.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · kulanka · masar · fiqi
Keep reading
Live story thread
Open live story