ONLF oo qeyb ka noqotay isbaheysiga ka dhanka ah Xukuumadda Abiy Axmed
Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Kooxda hubaysan ee ka dagaallanta Itoobiya ayaa ku dhawaaqay sameynta isbahaysi cusub oo lagu magacaabo Alliance for Survival (Isbahaysiga Badbaadada), kaas oo ujeeddadiisu tahay in xukunka laga tuuro dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, lana…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Kooxda hubaysan ee ka dagaallanta Itoobiya ayaa ku dhawaaqay sameynta isbahaysi cusub oo lagu magacaabo Alliance for Survival (Isbahaysiga Badbaadada), kaas oo ujeeddadiisu tahay in xukunka laga tuuro dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, lana dhiso maamul ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay.
Isbahaysiga waxaa ku mideysan Amhara FANO, Oromo (OLA), Tigray (TPLF), Ogaden (ONLF).
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ayay kooxuhu dowladda ku eedeeyeen inay mas’uul ka tahay “dagaal, xasuuq, burbur ballaaran iyo saboolnimo ba’an”, iyagoo sheegay in Itoobiya ay noqotay dowlad fashilantay oo wajahaysa khatarta kala-daadashada.
Waxay sheegeen in ku dhaqanka sharciga iyo kala dambayntu ay burbureen, malaayiin qofna ay barakaceen, halka rajadii muwaadiniintuna ay meesha ka baxday waxa ay ku tilmaameen “kaligii-talisnimo”.
Isbahaysigu wuxuu sheegay in howshiisu tahay in xukunka laga tuuro dowladda Abiy Axmed, la ilaaliyo badbaadada iyo amniga shacabka Itoobiya, la dhiso dowlad ku-meel-gaar ah oo uu hagayo Axdiga Ku-meel-gaarka ah, isla markaana khilaafaadka gudaha lagu xalliyo si nabadeed.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Raxanreeb Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · axmed · abiy · noqotay
Keep reading
Live story thread
Open live story- Toddoba koox oo Itoobiya uga dhowaaqay isbaheysi weyn oo xukunka looga tuurayo Abiy
Caasimada Online
- Toddobo kooxood oo hubeysan oo ku dhawaaqay isbahaysi cusub oo ka dhan ah dowladda Abii Axmed
Goobjoog Somali
- The Xawaadle Clan Rejects the Upcoming Elections in HirShabelle, Announces...
Caasimada Online