Puntland iyo Mareykanka oo guul wayn ka sheegtay howlgal ka dhacay Calmadow
Garoowe (Caasimada Onine) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu faah-faahiyay weerar ay si wadajir u fuliyeen ciidamada Puntland iyo Mareykanka, kaas oo ka dhacay buuraha Calmadow-Golis ee maamulkaasi.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Garoowe (Caasimada Onine) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu faah-faahiyay weerar ay si wadajir u fuliyeen ciidamada Puntland iyo Mareykanka, kaas oo ka dhacay buuraha Calmadow-Golis ee maamulkaasi.
Howlgalka oo ahaa mid duqeyn ah ayaa u dhacay si guul ah, iyada oo lagu beegsaday Al-Shabaab, laguna burburiyay kayd hub ah oo ay kooxda ku lahayd halkaasi, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Puntand.
“Dowladda Puntland iyo Mareykanka ayaa xaqiijiyay guusha laga gaaray howlgal ka dhan ah argagixisada oo ka dhacay buuraha Al-Madow-Golis, kaas oo lagu bartilmaameedsaday goob ay Al-Shabaab hub ku keydsanayeen oo ku taalla Markad,” ayaa lagu yiri bayaanka oo ku qornaa luqadda Engilish-ka.
Bartilmaameedka ugu wayn duqeynta ayaa ahaa in lagu burburyiyo goobtan oo ay Al-Shabaab u adeegsan jireen keydinta hubka iyo rasaasta, kuwaas oo loogu talagalay in lagu taageero falalka argagixisada iyo in khatar lagu geliyo shacabka Puntland.
Sidoo kale, warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan, isla markaana ujeedkooda uu yahay in lagu wiiqo Al-Shabaab.
“Howlgalkan ayaa noqonaya tallaabo kale oo muhiim ah oo qeyb ka ah howlgallada sii ballaaranaya ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab lagana saarayo waqooyiga Soomaaliya. Iyadoo la bartilmaameedsanayo kaabayaasha taageera shabakadaha argagixisada, Puntland iyo Mareykanka ayaa kordhinaya cadaadiska lagu hayo Al-Shabaab, carqaladeynaya awooddooda howlgallada, isla markaana yareynaya awoodda ay u leeyihiin qorsheynta iyo fulinta weerarrada,” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.
Muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ka socday deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ee Calmadow-Golis, iyadoo ciidamada Puntland iyo Mareykanka ay iska kaashanayaan bartilmaameedsiga goobaha ay kooxda ku leedahay saldhigyada iyo keydadka hubka.
Horay waxay Puntland u weerartay fariisimaha muhiimka ah ee ay kooxda Daacish ku leedahay buuraha Calmadow ee gobolka Bari, kaas oo ay guullo waa wayn kasoo hoyeen ciidamada, maadaama ay xoreen dhul ballaaran.
The post Puntland iyo Mareykanka oo guul wayn ka sheegtay howlgal ka dhacay Calmadow appeared first on Caasimada Online .
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · security · security · puntland · calmadow
Keep reading
Live story thread
Open live story