Puntland iyo Mareykanka oo sheegay inay burburiyeen bakhaar hub oo Al-Shabaab leedahay
Maamulka Puntland iyo Mareykanka ayaa sheegay in si guul leh loo fuliyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay buuraha Al-Madow-Golis, gaar ahaan deegaanka Markad, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday goob lagu keydinayay hub iyo saanad ciidan.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Maamulka Puntland iyo Mareykanka ayaa sheegay in si guul leh loo fuliyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay buuraha Al-Madow-Golis , gaar ahaan deegaanka Markad , halkaas oo lagu bartilmaameedsaday goob lagu keydinayay hub iyo saanad ciidan.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay dhinacyada howlgalka, ciidamada ayaa weeraray goob ay sheegeen in Al-Shabaab u adeegsanaysay kaydinta hubka iyo rasaasta , kuwaas oo loogu talagalay taageeridda howlgallada kooxda iyo weerarrada ay ka fuliso Soomaaliya.
Howlgalka ayaa la sheegay inuu dhacay iyadoo la kaashanayo oo lala xiriirinayo hay’adaha amniga Puntland , waxaana Mareykanka iyo Puntland ay ku tilmaameen tallaabadan qayb ka mid ah howlgallo ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee waqooyiga Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sheegay in bartilmaameedsiga goobaha lagu kaydiyo hubka iyo kaabayaasha kale ee taageera shabakadaha hubeysan uu yareynayo awoodda kooxda ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada .
Puntland iyo Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaal joogto ah oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, looga hortagayo in kooxda ay hesho goobo ay ku dhuumato, isla markaana lagu taageerayo xasilloonida iyo nabadda muddada dheer ee waqooyiga iyo bariga Soomaaliya.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · security · security · sheegay · puntland
Keep reading
Live story thread
Open live story