Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal ka fuliyey deegaanka Leego
Leego, Soomaaliya – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad iyo Cutubka Gaarka ah ee Gawaarida Gaashaaman, ayaa howlgal bur-burin ah ka sameeyey deegaanka Leego ee Gobolka Baay.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Leego, Soomaaliya – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad iyo Cutubka Gaarka ah ee Gawaarida Gaashaaman, ayaa howlgal bur-burin ah ka sameeyey deegaanka Leego ee Gobolka Baay.
Howlgalka ayaa lagu fashiliyey qorshe ay Al-Shabaab doonayeen in ay miinooyin ku aasaan waddooyinka ay isticmaalaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waddooyinka isku xira deegaannada Gobollada Baay iyo Shabeellaha Hoose.
Intii uu socday howlgalka, Ciidanka Danab ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay xubno ka tirsan shabakad ku howlanayd abaabulka iyo diyaarinta qaraxyada, kuwaas oo qorshahoodu ahaa in ay waxyeello u geystaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka isticmaala waddooyinka.
Howlgalladan ayaa door muhiim ah ka qaata xogaha iyo warbixinnada ay shacabka la wadaagaan Ciidanka Kumaandooska Danab. Xogaha ay bulshada soo gudbiyaan ayaa Ciidanka ka caawiya in ay si hufan uga hortagaan falalka Al-Shabaab, loogana hortago qorshayaasha lagu waxyeelleynayo shacabka iyo dadka isticmaala waddooyinka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · security · security · danab · howlgal
Keep reading
Live story thread
Open live story