Puntland oo gargaar gaarsiisay Dhinowda
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa deegaanka Dhinowda oo ka tirsan degamada Jariiban ee gobolka Mudug gaarsiiyay gargaar kala duwan oo… Sii akhri
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa deegaanka Dhinowda oo ka tirsan degamada Jariiban ee gobolka Mudug gaarsiiyay gargaar kala duwan oo ay bixisay dowladda.
Ilaa 200 oo qoys oo ku nool deegaanka Dhinowda ayaa la siiyay gargaar ka kooban raashin iyo kaarar lacag ah oo ay bixisay dawladda Puntland.
Sidoo kale Puntland ayaa gargaar kaas mid la mid ah u dirtay degmada Towfiiq iyo deegaannada hoostaga.
Degmada Towfiiq iyo deegaanka Dhinowda oo ah cirifka koonfureed ee Puntland waxaa ka jira dhibaatooyin ay sababtay isbaddelka cimilada, kuwaas oo ay mid yihiin baxaad iyo abaaro.
Towfiiq iyo Dhinowda waxay ka mid ahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug oo uu dhawaan booqday madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
PUNTLAND POST
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · gargaar · dhinowda · puntland
Keep reading
Live story thread
Open live story