Puntland oo gacanta ku dhigtay ciidamo ay DF ka qoratay Mudug
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku qabtay laba gaari BG ah, isla markaana siday ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka, kuwaas oo la sheegay in laga qoray koonfurta gobolka Mudug.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku qabtay laba gaari BG ah, isla markaana siday ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka, kuwaas oo la sheegay in laga qoray koonfurta gobolka Mudug.
Wararka ayaa sheegaya ‘in ciidamada u gacan galay Puntland’ ay kasoo tallaabeen dhanka Galmudug, isla markaana ay u socdeen dugsiga tababarka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud, balse dhexda laga qabtay.
Saraakiil amni ayaa sheegay in ciidamadu ay jihada ka luntay, kadibna ay sidaas ugu gacan galeen maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo xilligan khilaag iyo dagaalba uu kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, wararka ayaa intaas kusii daraya in labada gawaari ay midkiiba saarnaayeen ku dhawaad 50 askari, kuwaas oo haatan lagu hayo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo askarta oo saaran gawaarida, ayna joojinayaan ciidamada ammaanka ee Puntland.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Puntland iyo dhinaca dowladda dhexe oo ku aadan ciidamadaas la sheegay inay lagu qabtay dhanka waqooyi ee Gaalkacyo, halkaas oo muddooyinkan ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.
Horay Puntland ayaa ula wareegtay xerooyin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen gudaha maamulkaasi, kadib markii ciidamadeeda ay weerareen saldhigyo ay joogeen ciidamo la sheegay inay dowladdu ka qoratay halkaasi.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · ciidamo · puntland · mudug
Keep reading
Live story thread
Open live story