Puntland oo sii daysay ciidamadii Dowladda Federaalka ee lagu qabtay Galkacyo
Maamulka Puntland ayaa sii daayay ciidamadii ay maanta ku qabteen magaalada Galkacyo, kuwaas oo ay Puntland ku tilmaantay inay ka tirsan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidamada ayaa Puntland lagu sheegay…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Maamulka Puntland ayaa sii daayay ciidamadii ay maanta ku qabteen magaalada Galkacyo, kuwaas oo ay Puntland ku tilmaantay inay ka tirsan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamada ayaa Puntland lagu sheegay inay gudaha u galeen qaybta waqooyi ee Galkacyo, waxaana markii dambe lagu wareejiyay dhiggooda maamulka Galmudug.
Mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in ciidamadaasi ay dayoobeen, isla markaana aanay jirin tallaabo dheeraad ah oo laga qaaday.
Dhacdadan ayaa timid xilli ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed iyo amni ee u dhexeysa Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Galkacyo ay tahay magaalo u kala qaybsan maamul ahaan Puntland iyo Galmudug.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · galkacyo · federaalka · ciidamadii
Keep reading
Live story thread
Open live story