Puntland oo sheegtay inay Galkacyo ku qabatay ciidamo ay ku tilmaantay kuwo ka tirsan Dowladda Federaalka
Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamo uu ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu qabtay magaalada Galkacyo, kadib markii ay gudaha u galeen deegaanada ay Puntland maamusho.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamo uu ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu qabtay magaalada Galkacyo, kadib markii ay gudaha u galeen deegaanada ay Puntland maamusho.
Wararka hadda la helayo ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay ka soo dhaqaaqeen dhanka Galmudug , iyadoo ilo warbaahineed ay sheegeen in laba gaari ay wateen askarta, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay ku dhowaad 100 askari .
Wararkan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay ku sii jeedeen xarunta tababarka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, balse ay gudaha u galeen qaybta waqooyi ee Galkacyo oo Puntland maamusho.
Ilaa hadda, tirada saxda ah iyo xaaladda ciidamada la qabtay si madax-bannaan looma xaqiijin, waxaana warbaahinta maxalliga ahi ay sidoo kale sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug aysan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu sare u kacay khilaafka dhinaca amniga iyo siyaasadda ah ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya .
Bishii Agoosto, ciidamada Puntland ayaa howlgal ka fuliyay Galkacyo, halkaas oo ay la wareegeen xarun ay joogeen ciidamo lala xiriirinayay dowladda federaalka, Puntland-na ay sheegtay inay qabatay in ka badan 100 askari iyo hub iyo gaadiid ciidan.
Puntland ayaa xilligaas ku eedaysay Dowladda Federaalka inay ciidamo iyo hub ku ururinaysay gudaha Puntland, halka dowladda federaalkuna aysan markaas si rasmi ah uga jawaabin eedeymahaas.
Xiisadda Galkacyo ayaa soo noqnoqonaysa iyadoo magaalada ay u kala qaybsan tahay dhinaca maamulka Puntland iyo Galmudug, isla markaana ay hore uga dhaceen iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamo taabacsan dhinacyada kala duwan.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · ciidamo · galkacyo · inay
Keep reading
Live story thread
Open live story