QM oo Kormeeray Horumarka Cutubyada Booliska Soomaaliyeed
MUQDISHO – Magaalada Muqdisho, La-taliyaha Sare ee Amniga ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Qaybta Booliska ee UNTMIS ayaa booqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si uu indha-indheeyo horumarka ay sameeyeen Cutubka Booliska Diblomaasiyadda iyo Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
MUQDISHO – Magaalada Muqdisho, La-taliyaha Sare ee Amniga ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Qaybta Booliska ee UNTMIS ayaa booqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si uu indha-indheeyo horumarka ay sameeyeen Cutubka Booliska Diblomaasiyadda iyo Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee cutubkaas.
Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale booqasho sharafeed ugu tagay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cismaan, kaas oo carrabka ku adkeeyay diyaar-garowga cutubyadan iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin inay bilaabaan hawlgalladooda.
Booliska Qaramada Midoobay ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka taageera hirgelinta nidaamka federaaleynta booliska, iyagoo siinaya talooyin istiraatiiji ah, isku-dubaridka taageerada caalamiga ah, horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo dhisidda awoodda hay’adaha.
Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta awoodda hay’adaha amniga iyo tayeynta howlaha booliska.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · horumarka · soomaaliyeed · booliska
Keep reading
Live story thread
Open live story- Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed
Somali National TV
- Maxaa ka cusub qaraxa lagu beegsaday taliyaha booliska Baydhaba?
Caasimada Online
- Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Ardayda Soomaaliyeed Kula Dardaarmay Inay Aqoontooda Dalka Uga Faa’iideeyaan
Shabelle Media