Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirka Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC)
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay Shirka Cilmi-kororsiga iyo Naqshad-hawleedka Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC). Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in fududeynta ganacsigu ay tahay tiir muhiim u ah hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), isla markaana ay door weyn ka qaadaneyso kobcinta dha

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay Shirka Cilmi-kororsiga iyo Naqshad-hawleedka Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC).
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in fududeynta ganacsigu ay tahay tiir muhiim u ah hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), isla markaana ay door weyn ka qaadaneyso kobcinta dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo sare u qaadidda tartanka ganacsiga dalka.
Isagoo soo dhoweynaya wufuudda ka socotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo ka-qaybgalayaasha kale, ayuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay iswaafajinta xeerarka iyo habraacyada ganacsiga, xoojinta heerarka iyo kaabayaasha hubinta tayada, iyo ka saarista caqabadaha dib u dhiga ganacsiga isla markaana kordhiya kharashaadka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale xusay in ganacsiga u dhexeeya dalalka Afrika uu weli ka hooseeyo heerkii la hiigsanayay, isagoo ku boorriyay Soomaaliya inay mudnaan siiso xoojinta ganacsiga ay la leedahay dalalka deriska ah, isla markaana ay maalgeliso qaybaha ay ku leedahay faa’iidada tartanka, gaar ahaan kalluumeysiga.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.