Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
“Wax Gargaar Dibaddeed Ah Uma Baahnin”- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya
Muqdisho (WDN) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa hadal jeedin ka fog xaqiiqda ka jirta dalka sheegay , isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka gudubtay ku tiirsanaantii gargaarka dibadda, arrintaas oo si weyn uga yaabisay bulshada Soomaaliyeed iyo falanqeeyayaasha siyaasadda. Hadalkiisa ayaa dhaliyay dood ballaaran, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan sida dal.

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho (WDN) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa hadal jeedin ka fog xaqiiqda ka jirta dalka sheegay , isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka gudubtay ku tiirsanaantii gargaarka dibadda, arrintaas oo si weyn uga yaabisay bulshada Soomaaliyeed iyo falanqeeyayaasha siyaasadda.
Hadalkiisa ayaa dhaliyay dood ballaaran, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan sida dal muddo ka badan 30 sano si weyn ugu tiirsanaa taageerada caalamka xag dhaqaale, amni ahaan iyo hay’ad dhis ahaan uu hal mar isu sheegi karo inuu yahay dal isku filan.
Hadalka Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa kusoo beegmay xilli Soomaaliya wajahaysa caqabado siyaasadeed iyo amni oo culus. Dalku weli wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay deeqaha caalamiga ah ee lagu maalgeliyo miisaaniyadda dowladda, adeegyada bani’aadannimada, tababarka iyo qalabaynta ciidamada, iyo sidoo kale howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Dhanka kale, khilaafka siyaasaddeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ayaa weli taagan, iyadoo aan ilaa hadda laga gaarin heshiis ku saabsan doorashooyinka iyo sharciyadda hay’addaha dowladda.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Wardheer News
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.