Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed, kana dhagax-dhigay kuwo cusub
MUQDISHO -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay mashaariic horumarineed oo isugu jira waddooyin iyo xarumo dowladeed, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu dhagax-dhigay mashaariic cusub oo ay hirgelinayso Xukuumadda DanQaran. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ug

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
MUQDISHO -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay mashaariic horumarineed oo isugu jira waddooyin iyo xarumo dowladeed, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu dhagax-dhigay mashaariic cusub oo ay hirgelinayso Xukuumadda DanQaran.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu horreyn xarigga ka jaray waddo laami ah oo dhererkeedu yahay laba (2) kiiloomitir, taas oo Maamulka Gobolka Banaadir ka hirgeliyey degmada Dayniile. Waxa uu Mudane Xamsa uga mahadceliyey maamulka iyo bulshada caasimadda hirgelinta waddadan muhiimka ah oo fududeyn doonta isku socodka bulshada, gaar ahaan dadka u kala safra Gobolka Banaadir iyo Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana door ka qaadan doonta dib-u-soo kabashada kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in waddooyinku aysan ahayn oo keliya jidad la maro, balse ay astaan u yihiin horumar, bilic iyo dib-u-dhis qaran, isaga oo bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo kaabeyaasha caasimadda.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay in Muqdisho ay maanta ka gudubtay marxaladihii adkaa ee ay soo martay, isla markaana ay cagta saartay jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada. Waxa uu bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda kula dardaarmay in ay ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida, maadaama ay tahay saldhigga horumar kasta.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.