Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
SoDMA oo sagootisay 25 sarkaal oo tababar uga ambabaxaya Shiinaha
Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad-goboleedyada, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan sagootin ah ugu sameeyay 25 sarkaal. Saraakiishan oo ka kala socda SoDMA iyo Wasaaradaha Gargaarka ee dowlad-goboleedyada ayaa tababar ku saabsan u diyaar-gar

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad-goboleedyada, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan sagootin ah ugu sameeyay 25 sarkaal.
Saraakiishan oo ka kala socda SoDMA iyo Wasaaradaha Gargaarka ee dowlad-goboleedyada ayaa tababar ku saabsan u diyaar-garowga, ka hortagga iyo ka jawaabista fatahaadaha ku soo qaadan doona dalka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.
Tababarkan ayaa yimid xilli la saadaalinayo roobabka Dayrta oo la xiriira ifafaalaha El Niño, kuwaas oo laga cabsi qabo inay sababi karaan fatahaado iyo daadad saameeya qaybo ka mid ah dalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay muujiyaan hufnaan, anshax iyo waddaniyad inta ay ku guda jiraan tababarka, isla markaana ay aqoonta iyo xirfadaha ay helaan dib ugu soo celiyaan hay’adaha ay ka tirsan yihiin si loo xoojiyo awoodda dalka ee ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka, gaar ahaan fatahaadaha.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.