Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay dardargelinta iskaashiga labada dal
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth, iyo ku-xigeenkiisa Marwo…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth, iyo ku-xigeenkiisa Marwo Katrin Josten.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iyo dardargelinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Jarmalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray iskaashiga dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo xiriirka baarlamaaniga ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Jarmalka, lana abuuro fursado cusub oo lagu ballaarinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Jarmalka iyo horumarinta iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada kala duwan.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · soomaaliya · jarmalka · hadlay