Soomaaliya iyo Talyaaniga oo isla eegay khataraha amni ee gobolka
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Taliyaaniga, S/Guud Giovanni Maria Iannucci, oo uu weheliyo Danjiraha Talyaaniga u…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Taliyaaniga, S/Guud Giovanni Maria Iannucci, oo uu weheliyo Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Taliyaaniga, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda amni ee gobolka, gaar ahaan isbeddellada ka soo cusboonaaday Badda Cas, saameynta ay xaaladdu ku yeelan karto amniga Soomaaliya iyo gobolka, iyo muhiimadda isu-socodka ganacsiga caalamiga ah.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac ee ka hortagga khataraha wadajirka ah iyo joogteynta taageerada istiraatiijiga ah ee Talyaanigu siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · talyaaniga · gobolka · soomaaliya
Keep reading
Live story thread
Open live story