Soomaaliya oo ku baaqday iskaashi caalami ah oo lagu xoojinayo badbaadada carruurta
New York, Mareykanka — 22 Sebteembar 2026: Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada New York kaga qeyb-gashay kulan heer sare…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
New York, Mareykanka — 22 Sebteembar 2026: Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada New York kaga qeyb-gashay kulan heer sare ah oo diiradda lagu saaray ilaalinta carruurta iyo sidii loo dhisi lahaa nidaamyo digital ah oo ammaan u ah carruurta.
Kulanka oo cinwaankiisu ahaa “The Invisible Architecture: Building Safe Digital Systems for Children – Advancing International Standards and Shared Responsibility” ayaa ka dhacay inta lagu guda jiro Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA81), waxaana martigelisay Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Türkiye, Emine Erdoğan.
Kulanka ayaa xoogga lagu saaray khataraha cusub ee carruurta kala kulmi karaan deegaanka digital-ka, iyo muhiimadda ay leedahay in la sameeyo nidaamyo iyo siyaasado ilaaliya xuquuqda, badqabka iyo fayo-qabka carruurta.
Wasiir Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulanka ka muujisay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta carruurta iyo ka hortagga tacaddiyada, dhiigmiirashada iyo xadgudubyada, iyadoo si gaar ah loo eegayo khataraha ka dhalan kara isticmaalka tiknoolajiyadda iyo baraha digital-ka.
Waxay sidoo kale adkaysay muhiimadda ay leedahay in xuquuqda iyo badbaadada carruurta lagu saleeyo siyaasadaha iyo nidaamyada digital-ka, si carruurtu uga faa’iideystaan fursadaha tiknoolajiyadda iyadoo laga ilaalinayo khataraha ka iman kara.
Wasiiraddu waxay carrabka ku adkaysay baahida loo qabo iskaashi caalami ah iyo masuuliyad wadaag, si loo hubiyo in nidaamyada digital-ka loo qaabeeyo hab mudnaanta siinaya badbaadada, xuquuqda iyo fayo-qabka carruurta.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta ilaalinta xuquuqda carruurta iyo ka qeybqaadashada dadaallada caalamiga ah ee lagu horumarinayo badqabka carruurta ee deegaanka digital-ka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · soomaaliya · baaqday · xoojinayo