Wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya oo Booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayey U-qeybsanaha Arrimaha Ciidamada, Kornayl Ben Ramsay.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Talaado 22 Sep 2026 {HMC} Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayey U-qeybsanaha Arrimaha Ciidamada, Kornayl Ben Ramsay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee Isbitaalka Xoogga Dalka, gaar ahaan daryeelka caafimaad ee ciidamada iyo qoysaskooda.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay horumarinta nidaamka Medical Evacuation (MEDEVAC), si loo helo adeeg gurmad iyo daad-gureyn caafimaad oo joogto ah, habeysan, degdeg ah, isla markaana si hufan uga jawaaba xaaladaha caafimaad ee ciidamada.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyey xoojinta tababarrada shaqaalaha caafimaadka, tayeynta qalabka caafimaad iyo isku-xirka adeegyada caafimaadka, iyadoo la isla qaatay in la sii wado wada-shaqeynta lagu horumarinayo tayada adeegyada caafimaad ee Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · xoogga · dalka · soomaaliya