Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerar diyaaradeed oo la isku dayay in lagu qaado Makkah
Muqdisho, 16 Sebtembar 2026 — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay isku day weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn (drone), kaas oo lagu beegsaday magaalada barakeysan ee…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho, 16 Sebtembar 2026 — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay isku day weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn (drone), kaas oo lagu beegsaday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee Boqortooyada Sacuudiga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Difaaca Cirka ee Boqortooyada Sacuudiga ay ku guuleysteen inay dhexda u galaan oo ay qabtaan diyaaraddii aan duuliyaha lahayn ka hor inta aysan gaarin magaalada Makkah.
Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaareysay weerarradii dhowaan lagu qaaday goobaha rayidka ah ee gudaha Boqortooyada Sacuudiga.
War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay muujineyso garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo xaqiijisay xaqa Boqortooyada ay u leedahay inay ilaaliso dhulkeeda, dadkeeda iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · cambaareysay · adag · soomaaliya
Keep reading
Live story thread
Open live story