Wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo gaaray magaalada Baraawe
Wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe, caasimadda Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Jimco 18, Sep 2026 {HMC} Wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe, caasimadda Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Wafdiga waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed, mudane maxamed Osmaan Xaaji jiidow iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, iyadoo ay sidoo kale wafdiga qeyb ka ahaayeen xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed.
Markii wafdiga ay soo gaareen magaalada Baraawe, waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada, iyadoo kadib loo galbiyay xarunta degmada Baraawe.
Xarunta degmada ayaa waxaa wafdiga loogu sameeyay munaasabad soo dhaweyn ah, taas oo lagu muujiyay taageerada iyo soo dhaweynta shacabka iyo maamulka degmada ay u hayaan masuuliyiinta Dowladda Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa booqashadiisa Baraawe diiradda ku saari doona arrimaha la xiriira waxbarashada, horumarinta adeegyada waxbarasho iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaaradda Waxbarashada iyo maamulka degmada barawe .
Booqashada Wasiirka ayaa sidoo kale muhiim u ah qiimeynta xaaladda waxbarashada ee magaalada Baraawe iyo sidii loo dardargelin lahaa horumarinta adeegyada waxbarasho, tayeynta waxbarashada iyo taageerada xarumaha waxbarashada ee degmada .
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · xildhibaano · wafdi · tirsan