Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed oo is-casilay
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed, Axmed Cali Muuse ayaa iska casilay xilkii, isagoo si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe warqaddiisa is-casilaadda.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed, Axmed Cali Muuse ayaa iska casilay xilkii, isagoo si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe warqaddiisa is-casilaadda.
Warqadda is-casilaadda ee uu gaarsiiyay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayuu ku sheegay inuu si ikhtiyaari ah uga degayo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isaga oo codsaday in la aqbalo is-casilaaddiisa.
Sidoo kale wuxuu ku xusay in intii uu xilka hayay uu ku dadaalay ilaalinta caddaaladda, madax-bannaanida garsoorka, dhowrista dastuurka iyo u adeegidda shacabka maamulka Koonfur Galbeed.
“Waxaan go’aansaday inaan si ikhtiyaari ah uga dago xilka Guddoomiyenimada Maxkamadda Sare, laga bilaabo taariikhda la aqbalo is-casilaaddan,” ayuu ku sheegay warqaddiisa is-casilaadda.
Guddoomiyaha ayaa waxa kale oo uga mahadceliyay hoggaamiyaha maamulka, garsoorayaasha iyo hay’adaha dowladda wada-shaqeyntii ay lahaayeen intii uu xilka hayay, isagoo muujiyay in uu qadarinayo taageeradii iyo iskaashigii uu kala kulmay intii uu xilkaasi hayay.
Is-casilaadda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhaqan-geli doonta marka si rasmi ah loo aqbalo.
Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay xafiiska hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe oo tilmaamaya in la aqbalay iyo in kale warqadda is-casilaadda ee uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare gudbiyay.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · casilay · galbeed · maxkamadda
Keep reading
Live story thread
Open live story- Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo ka shiray amniga, fatahaadaha iyo adeegyada bulshada
Goobjoog Somali
- Kadib dibadbaxyadii Koonfur Galbeed, Muqdisho oo laga difaacay xiriirka…
Caasimada Online
- Wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo gaaray magaalada Baraawe
Hiiraanweyn