Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya
Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Madasha “Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliyeed: Caqabadaha iyo Fursadaha.” Madasha waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Madasha “Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliyeed: Caqabadaha iyo Fursadaha.”
Madasha waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Amb. Maxamed Cali Nuur, iyo sidoo kale khubaro, cilmi-baarayaal, ganacsato, kalluumeysato iyo daneeyayaal kale.
Madasha ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha iyo fursadaha horyaalla waaxda kalluumeysiga Soomaaliyeed. Waxaa si qoto dheer looga dooday xoojinta iskaashiga daneeyayaasha, horumarinta wax-soo-saarka kalluunka, ilaalinta khayraadka badda, iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah si uu door muuqda uga qaato horumarka dhaqaale ee dalka.
Intii uu socday kulanka, Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS) waxay soo bandhigtay cilmi-baaris ku saabsan xaaladda khayraadka iyo noolaha badda Soomaaliya, taas oo iftiimisay khataraha sii kordhaya ee wajahaya deegaanka badda. Waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ilaalinta kala duwanaanshaha noolaha badda iyo hirgelinta maareyn waarta oo lagu ilaalinayo khayraadka badda, si ay uga faa’iideystaan jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.