Wasiirada difaaca Soomaaliya iyo Shiinaha oo kulan yeeshay
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay wasiirka difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, kaas oo… Sii akhri
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay wasiirka difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, kaas oo ka dhacay magaalada Beijing.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xiriirka Soomaaliya & Shiinaha iyo ballaarinta iskaashiga difaaca iyo amniga ee labada dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca Soomaaliya.
Labada Wasiir ayaa isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta is-afgaradyada jira, lana sii ballaariyo iskaashiga difaaca iyo amniga, si xiriirka labada dal loogu beddelo tallaabooyin la taaban karo oo wax ka tara nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Kulankan wuxuu noqonayaa midkii labaad oo 40 sano kadib ay yeeshaan wasiirrada difaaca Shiinaha iyo Soomaaliya, iyada oo Fiqi noqday wasiirkii difaaca ee u horreyay oo kulan rasmi ah la yeesha wasiirka difaaca Shiinaha tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladdii dhexe ee Soomaaliya.
PUNTLAND POST
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · kulan · shiinaha · difaaca
Keep reading
Live story thread
Open live story- The Minister of Defense of Somalia Meets with the Minister of Defense of China
Hiiraanweyn
- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan Heer Sare ah la Yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha
Shabelle Media
- Soomaaliya iyo Shiinaha oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca
Raxanreeb Online