Soomaaliya iyo Shiinaha oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca
Beijing ( Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Beijing kulan kula yeeshay dhiggiisa Shiinaha, Admiral Dong Jun.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Beijing ( Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Beijing kulan kula yeeshay dhiggiisa Shiinaha, Admiral Dong Jun.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan ballaarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga.
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka labada dowladood iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga dhinaca ciidamada, tababarrada iyo arrimaha amniga.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa kulanka kaga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku waddo dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, ayaa muujiyay muhiimadda ay Beijing siinayso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay doonayaan in iskaashiga labada dal loo ballaariyo dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin difaaca, amniga iyo tababarrada ciidamada.
Labada Wasiir ayaa isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta is-afgaradyada jira, lana sii ballaariyo iskaashiga difaaca iyo amniga, si xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal loogu beddelo tallaabooyin la taaban karo oo wax ka tara nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Raxanreeb Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · amniga · hadlay · soomaaliya
Keep reading
Live story thread
Open live story