Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan Heer Sare ah la Yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha
Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Kulanka oo ku dhacay jawi saaxiibtinimo iyo is-afgarad leh ayaa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga difaaca iyo amniga.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wada-shaqeynta labada dal lagu saleeyo is-ixtiraam, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, iyadoo laga jawaabayo xaaladaha amni ee Soomaaliya iyo isbeddellada ka socda gobolka iyo caalamka.
Wasiir Fiqi ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo dadaallada dib loogu dhisayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay dhismaha ciidan qaran oo tababaran, qalabeysan, isla markaana awood u leh difaaca dalka iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga qaranka.
Dhankiisa, Admiral Dong Jun ayaa bogaadiyey horumarka ay Soomaaliya ka gaartay amniga, dowlad-dhiska iyo tayeynta ciidanka qaranka, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Wasiir Fiqi ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyey taageerada soo jireenka ah ee wax-ku-oolka ah iyo garab-istaagga joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya.
Labada Wasiir ayaa sidoo kale isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta is-afgaradyada horay u jiray, lana sii ballaariyo iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, si xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha loogu beddelo tallaabooyin la taaban karo oo wax ka tara nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · gaashaandhigga · wasiirka · heer
Keep reading
Live story thread
Open live story