Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa kulan la yeeshay Dr. Mohammed bin Abdulaziz Al Khulaifi, Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qadar. Kulanka ayaa dhacay intii ay soctay Madasha Dubrovnik, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dowlada

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa kulan la yeeshay Dr. Mohammed bin Abdulaziz Al Khulaifi, Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qadar.
Kulanka ayaa dhacay intii ay soctay Madasha Dubrovnik, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dowladaha Qadar iyo Soomaaliya.
Labada wasiir waxay dib u eegis ku sameeyeen xiriirka dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qadar, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga ay labada dal wadaagaan.
Waxayna sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, iyagoo mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta lagu taageerayo nabadda, xasilloonida, horumarka waara, iyo barwaaqada wadajirka ah.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.