Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dalka Aljeeriya
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dalka Aljeeriya u qaabilsan Soomaaliya mudane Maxamed Caalim. Kulanka oo ay Wasiirku ku wehliyeen Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta mudane Cabdulxakiim Xasan Ashkir iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musii

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dalka Aljeeriya u qaabilsan Soomaaliya mudane Maxamed Caalim.
Kulanka oo ay Wasiirku ku wehliyeen Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta mudane Cabdulxakiim Xasan Ashkir iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya iyo dabagalka dhinacyada iskaashiga ee lagu heshiiyey bishii May ee sanadkan intii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Xoosh booqashada ku joogay Aljeeriya sida howlaha; dib-u-heshiisiinta, xasilinta, amniga, dowladaha hoose, dhismaha iyo tayeynta hay’adaha, adkeysiga, diiwaangelinta madaniga ah iyo aqoonsiga qaranka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashi hay’adeed ee wax-ku-ool ah iyo is-weydaarsiga farsamo ee u dhexeeya hay’adaha ay khusayso ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.