Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka qaybgalay Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan, oo ka socota magaalada Beijing ee…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan, oo ka socota magaalada Beijing ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.
Madashan oo socota 15–17 Sebtembar 2026 waxaa ka qaybgalaya madaxda iyo saraakiisha difaaca, khubaro iyo wakiillo ka socda ku dhowaad 100 dal iyo hay’ado caalami ah.
Hal-ku-dhigga madasha sanadkan waa “Dhisidda Is-afgarad ku saabsan Xasilloonida iyo Wadajir u Horumarinta Maamulka Amniga.”
Ajandayaasha madasha waxaa ka mid ah xasilloonida istiraatiijiyadeed, amniga caalamiga ah, xal u helidda colaadaha gobollada, amniga Aasiya iyo Baasifigga, amniga badaha, iyo khataraha ka dhasha adeegsiga teknoolojiyadda cusub iyo sirdoonka macmalka ah ee dhinaca milatariga.
Sidoo kale, waxaa madasha barbar socda Madasha 4-aad ee Nabadda iyo Amniga Shiinaha iyo Afrika, taas oo diiradda lagu saarayo arrimaha nabadda iyo amniga qaaradda Afrika.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · madasha · soomaaliya · qaybgalay