Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Xisbiga JSP oo Soo Bandhigay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Doorashada soo socota
MUQDISHO – Waxaa si habsami leh Xarunta Dhexe ee Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ugu qabsoomay kulan ballaaran oo ay ka qaybgaleen hoggaanka, masuuliyiinta iyo xubnaha Ururka, kaas oo lagu soo bandhigay musharraxa rasmiga ah ee JSP ku meteli doona doorashada Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug ee muddo-xileedka 2026–2031. Kulanka ayaa intii uu socday […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
MUQDISHO – Waxaa si habsami leh Xarunta Dhexe ee Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ugu qabsoomay kulan ballaaran oo ay ka qaybgaleen hoggaanka, masuuliyiinta iyo xubnaha Ururka, kaas oo lagu soo bandhigay musharraxa rasmiga ah ee JSP ku meteli doona doorashada Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug ee muddo-xileedka 2026–2031.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu wadaagay khudbado soo dhawayn iyo dardaaran isugu jira oo ku aaddanaa u diyaargarowga doorashooyinka soo socda ee Galmudug, iyada oo Mudane Liibaan Axmed Xasan si rasmi ah loogu guddoonsiiyay Shahaadada Musharraxnimada Doorashada Hoggaamiyaha Maamul Goboleedka Galmudug.
Masuuliyiintii kala duwanayd ee goobta ka hadlay ayaa muujiyay kalsoonida ay ku qabaan hoggaaminta, waayo-aragnimada iyo aragtida horumarineed ee Musharrax Liibaan Axmed, iyaga oo tilmaamay in Ururka JSP uu bulshada Galmudug u soo bandhigayo hoggaamin ku dhisan heshiis, hufnaan, wadajir iyo horumar waara.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka ee Arrimaha Dibadda iyo Dhaqaalaha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Xoghayaha Guud, Xoghayeysa, Wasiirro, Xildhibaanno, Garabyada Haweenka iyo Dhallinyara iyo marti sharaf kale.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.