Aadan Madoobe oo dhaq-dhaqaaq ka bilaabay Muqdisho, kadib tallaabadii Lafta-gareen
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiAadan Madoobe ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay Muqdisho oo la xiriira xaaladda adag ee ka taagan maamulkaasi, isagoo la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka si ay uga wada hadlaan xaaladaha kasii dareysa.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed (Jaamac) oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxayna ka wada-hadleen xaaladda kasii dareysa, kadib markii degmooyin horleh ay qabsadeen ciidanka Lafta-gareen.
- Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid is-xogwareysi ah, iyadoo lagu soo qaaday xaaladda amni ee Koonfur Galbeed, maadaama ay kasii dareyso, dagaalkana uu ku fiday deegaanno cusub.
- Guddoomiye Jaamac oo qoraal soo saaray kulanka kadib ayaa sheegay in sidoo kale laga wada-hadlay arrimaha dib-u-heshiisiinta deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si looga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada deegaanka.
- “Maanta waxaan xafiiskayga kulan is-xogwareysi ah kula qaatay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Adaan Madoobe) Waxaan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay qaadi doonaan maamulka Aadan Madoobe?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Aadan Madoobe ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay Muqdisho oo la xiriira xaaladda adag ee ka taagan maamulkaasi.
- Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed (Jaamac) oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed.
- Guddoomiye Jaamac oo qoraal soo saaray kulanka kadib ayaa sheegay in sidoo kale laga wada-hadlay arrimaha dib-u-heshiisiinta deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo yimid magaalada Muqdisho ayaa ka bilaabay, dhaq-dhaqaaqyo culus oo la xiriira xaaladda adag ee ka taagan maamulkaasi.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed (Jaamac) oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxayna ka wada-hadleen xaaladda kasii dareysa, kadib markii degmooyin horleh ay qabsadeen ciidanka Lafta-gareen.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid is-xogwareysi ah, iyadoo lagu soo qaaday xaaladda amni ee Koonfur Galbeed, maadaama ay kasii dareyso, dagaalkana uu ku fiday deegaanno cusub.
Guddoomiye Jaamac oo qoraal soo saaray kulanka kadib ayaa sheegay in sidoo kale laga wada-hadlay arrimaha dib-u-heshiisiinta deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si looga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada deegaanka.
“Maanta waxaan xafiiskayga kulan is-xogwareysi ah kula qaatay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Adaan Madoobe) Waxaan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa haatan qorseyneysa inay qaado guluf culus oo ka dhan ah ciidanka taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen ee qabsaday degmooyinka Qansaxdeere, Bardaale, Buurhakaba iyo Diinsoor oo ka wada tirsn gobolka Baay.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baaba oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa goor sii horeysay sheegay in shacabka ay maqli doonaan war ay ku farxaan, isla markaana ay degmooyinkaas la qabsaday ay kusoo celin doonaan gacantooda, sida uu hadalka u dhigay.
“Maalmaha soo socda shacabka reer Koonfur Galbeed waxay dhagahooda maqli doonaan wax ay aad ugu farxaan, waxaana lasoo celin doonaan neecaawdii dowladnimada. Degmooyinka ay hadda ku sugan Khawaarijta waxaa dib loogu soo celin doonaan gacanta dowladda,” ayuu yiri wasiirku.
Hadalkan ayaa kusoo aaday xi lli ay haatan sii xoogeysanayaan khilaafka siyaasadeed iyo iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen iyo kuwa taageersan maamulka hadda ka jira Baydhaba, oo garab ka helaya Dowladda Federaalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Aadan Madoobe ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay Muqdisho oo la xiriira xaaladda adag ee ka taagan maamulkaasi, isagoo la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka si ay uga wada hadlaan xaaladaha kasii dareysa.
Qodobada muhiimka ah
- Aadan Madoobe ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay Muqdisho oo la xiriira xaaladda adag ee ka taagan maamulkaasi.
- Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed (Jaamac) oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed.
- Guddoomiye Jaamac oo qoraal soo saaray kulanka kadib ayaa sheegay in sidoo kale laga wada-hadlay arrimaha dib-u-heshiisiinta deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
- Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baaba oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa goor sii horeysay sheegay in shacabka ay maqli doonaan war ay ku farxaan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku lug leh.
- Eedeymaha ku saabsan dib-u-qabashada degmooyinka ma ahan kuwo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid mas'uuliyiin aan la xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Dhaq-dhaqaaqyada Aadan Madoobe ee Muqdisho waxay muujinayaan caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay qaadi doonaan maamulka Aadan Madoobe?
- Sidee bay xaaladdu u horumari doontaa maalmaha soo socda?
- Maxay yihiin cawaaqibka khilaafaadka siyaasadeed ee socda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · muqdisho · bilaabay · aadan
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada