Baarlamaanka oo laalay qaraar uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamse
Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laalay qaraar uu dhawaan soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamse, kaas oo la xiriiray… Sii akhri
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laalay qaraar uu dhawaan soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamse, kaas oo la xiriiray agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha dowladda.
Qaraarka Ra’iisul Wasaare Xamse oo ahaa in tartan furan loo galo agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha dowladda waxaa u codeeyay in la laalo 136 xildhibaan, laba xildhibaan ayaa diiday, sidoo kalena laba xildhibaan ayaa ka aamustay.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhawaan faray wasiirrada, guddiga shaqaalaha rayidka iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda in 20 Sebteembar la bilaabo wajiga 1aad ee dib-u-habaynta shaqaalaha, gaar ahaan xilalka agaasime waaxeedyada oo lagu buuxiyo hannaan tartan furan.
Mudane Xamse wuxuu xillugaas sheegay in ujeeddada laga leeyahay nidaamkan ay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yeelato hoggaan maamul oo xirfad leh, islamarkaana dhammaan shaqaalaha la siiyo fursad loo siman yahay oo ay ugu tartamaan shaqooyinka dowladda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · saaray · baarlamaanka · laalay