Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo Guddoomiyay Shir Lagu Ansixiyay Qorshaha Qaran ee El Niño
Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo diiradda lagu saaray u-diyaargarowga El Niño 2026–2027 iyo xoojinta isku-duwidda ay Dowladda Federaalka…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo diiradda lagu saaray u-diyaargarowga El Niño 2026–2027 iyo xoojinta isku-duwidda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u dhantahay.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niño 2026–2027, kaas oo mideynaya dadaallada iyo mas’uuliyadaha hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo dowladaha hoose, si loo xaqiijiyo diyaar-garow isku-duwan oo ku saleysan saadaasha iyo digniinta hore.
Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niño ayaa kulanka lagu ansixiyay, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan hay’adaha ay si wadajir ah uga shaqeeyaan diyaar-garowga, tallaabooyinka horudhaca ah, ka jawaabista iyo soo-kabashada. Qorshahan ayaa sidoo kale xoojinaya isku-duwidda ay Dowladda u dhantahay, nidaamyada digniinta hore iyo la socodka khataraha, iyo ilaalinta dadka, xoolaha, beeraha, biyaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa dhammaan hay’adaha iyo hawl-wadeennada ku adkeeyay in awaamiirta iyo qorshayaasha la dejiyay si hufan oo degdeg ah loo fuliyo, si loo xaqiijiyo isku-duwidda shaqada, isla-xisaabtanka iyo dardargelinta natiijooyinka laga filayo qorshaha.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · guddoomiyay · iisul · qaran