Beesha Cayr oo Muqdisho ku soo dhaweysay Musharraxa Madaxweynaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan
Muqdisho, 18 Sebteembar 2026 — Musharraxa Madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan soo dhaweyn iyo maamuus ah oo ay u sameeyeen bulshada, siyaasiyiinta iyo…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho, 18 Sebteembar 2026 — Musharraxa Madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan soo dhaweyn iyo maamuus ah oo ay u sameeyeen bulshada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Cayr.
Kulanka waxaa sidoo kale musharraxa ku wehliyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Liibaan Axmed Xasan ayaa uga mahadceliyay beesha Cayr soo dhaweynta iyo taageerada ay u muujisay, isagoo sheegay in kalsoonida loo muujiyay ay tahay masuuliyad weyn iyo dhiirrigelin ku aaddan dadaallada uu ugu jiro hoggaanka iyo horumarka Galmudug.
Musharraxa ayaa xusay in beesha Cayr ay door muuqda ku lahayd geeddi-socodkii doorashadii hore ee Galmudug, isagoo sheegay in kulanka maanta uu muujinayo sida ay beesha uga go’an tahay inay kaalin dheeraad ah ka qaadato mustaqbalka siyaasadeed iyo bulsho ee Galmudug.
Liibaan Axmed Xasan ayaa ah musharraxa rasmiga ah ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ugu tartamaya hoggaanka Galmudug muddo-xileedka 2026–2031.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Galmudug uu ka socdo diyaar-garowga doorashada ku-celiska ah, kaddib markii Maxkamadda Sare ay laashay natiijadii doorashooyinkii hore, iyadoo musharraxa JSP uu soo dhaweeyay go’aanka dib-u-qabashada doorashada.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · galmudug · musharraxa · muqdisho