Wasiir Al-Caddaala oo ka hadlay arimaha doorashoyinka ee Galmudug
Sept 18 (Jowhar)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dakxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Al-Caddaala ayaa xalay ka qeybgalay kulan lagu taageeraayey doorashada ku celiska ah ee Galmudug.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Sept 18 (Jowhar)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dakxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Al-Caddaala ayaa xalay ka qeybgalay kulan lagu taageeraayey doorashada ku celiska ah ee Galmudug.
“Dadka reer Galmudug micna gaar ah ayey doorashada dalka u leedahay, waana dad aqbali kara guusha iyo guul-darada”sidaasi waxaa yiri Wasiir Al-Caddaala.
Hadalada Wasiirka ayaa yimid xilli munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daahfurayey ololaha Urur Siyaasadeedka JSP ee doorashada ku-celiska ah Galmudug ay aa ka dhacday ama lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.
Munaasibadda waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Galmudug, madaxda iyo hoggaanka JSP, siyaasiyiin, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo taageerayaal tiro badan oo si weyn u buux-dhaafiyey goobta kulanka.
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa dardargelinta iyo u diyaar-garowga doorashada ku-celiska ah iyo baraarujinta shacabka si ay mar kale uga qaybqaataan codbixinta, una taageeraan Ururka JSP iyo murashaxiisa xilka Madaxweynaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · caddaala · wasiir · galmudug