Boosaaso: Puntland oo xukuno ku riday eedeysanayaal
Warka oo kooban
40 ilbiriqsiMaxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland oo maanta fadhi ku yeelatay magaalada Boosaaso ayaa soo saartay xukuno isugu jira dil iyo xabsi.
Qodobbada muhiimka ah
- Maxkamadda waxay xukun dil ah ku riday Cabdirisaaq Saleebaan Cabdi oo ku eedeysan dilka marxuum Yoonis Xasan Ibraahim.
- Sidoo kale maxkamaddu waxay Cabdirisaaq Maxamed Maxamed (Jon Wizki) iyo Maxamed Cabdiqaadir Axmed (Jon Canada) oo maqane ah ku xukuntay afar sano oo xarig ah, kuwaas oo lagu eedeeyay xayaysiinta, gadista iyo cabista maandooriyaha khamriga.
- Maxkamaddu waxay xukuntay in hawada laga saaro akoonada aalada TikTok ay ku lahaayeen labada eedeysane, kuwaas oo ay ku qorn yihiin magacyada Jon Wizki iyo Jon Canada.
- Eedeysanayaasha xukunnada lagu diray waxaa u furan in ay racfaan u qaataan maxkamadda sare ee ciidamada Puntland.
Sida ay sheegtay Puntland Post

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland oo maanta fadhi ku yeelatay magaalada Boosaaso ayaa soo saartay xukuno isugu jira dil iyo xabsi.
Maxkamadda waxay xukun dil ah ku riday Cabdirisaaq Saleebaan Cabdi oo ku eedeysan dilka marxuum Yoonis Xasan Ibraahim.
Sidoo kale maxkamaddu waxay Cabdirisaaq Maxamed Maxamed (Jon Wizki) iyo Maxamed Cabdiqaadir Axmed (Jon Canada) oo maqane ah ku xukuntay afar sano oo xarig ah, kuwaas oo lagu eedeeyay xayaysiinta, gadista iyo cabista maandooriyaha khamriga.
Maxkamaddu waxay xukuntay in hawada laga saaro akoonada aalada TikTok ay ku lahaayeen labada eedeysane, kuwaas oo ay ku qorn yihiin magacyada Jon Wizki iyo Jon Canada.
Eedeysanayaasha xukunnada lagu diray waxaa u furan in ay racfaan u qaataan maxkamadda sare ee ciidamada Puntland.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xukuno · puntland · boosaaso