Daawo: Maxaa ka dhexeeya kooxda Lafta-gareen iyo Jubbalad?
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda adag ee Koonfur Galbeed iyo xiriirka kooxda Lafta-gareen kala dhexeeyo…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda adag ee Koonfur Galbeed iyo xiriirka kooxda Lafta-gareen kala dhexeeyo Jubbaland.
Mahad Cabdiraxmaan oo sodog u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Gabeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa shaaca ka qaaday in haatan cilaaqaad wanaagsan uu ka dhexeeyo iyaga iyo madaxda sare ee Jubbaland, maadaama ay joogaan deegaanno ka tirsan maamulkaasi, gaar ahaan gobolka Gedo.
Taliye Shub ayaa sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe iyo shacabka Jubbaland uga mahadceliyay taageerada ay muujiyeen isaga, kadib ‘duqeyntii lagula beegsaday’ gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmada Doolow.
“Jubbaland ayay ka dhaceen mudaharaadyada, Galmudugna kama dhicin, meeshii ay banaanbaxyadu ka dhaceen oo taageerada badan ii fidisay waa dowladda Jubbaland hal degmo oo arrintaas ka banaanbixin ma jirto, marka aad baan ugu mahacelinayaa wax waynba ii sameysay Jubbaland,” ayuu yiri Taliye Shub.
Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Meesha ay wax ugu gaareen waa Doolow meesha ugu dambeysay ee banaanbaxana waa Afmadow, waxaan kaloo si gaar ah ugu mahadcelinayaa madaxweynaha Jubbaland”.
Dhinaca kale, wuxuu soo hadal qaaday xaaladda Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay in wei ay sii wadi doonaan dagaalka, isaga oo wacad ku maray inay di ugu laabaan doonaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in hadda ciidamadooda ay joogaan hareeraha magaalada, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalka, si ay magaalada uga saaraan dhinacyada kale ee kasoo horjeeda.
“Ciidankeenna deegaankiisa ayuu joogaa horay ayuu u soconayaa Baydhabana waan taageynaa meelna kama aadeyno ninkii yimid isagaa tagi doono,” ayuu mar kae yiri taliyuhu.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · lafta · kooxda · gareen