Dagaalkii ugu qaraara oo ka dhacay Yemen iyo ciidamada Sacuudiga taageero oo…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDagaalka Yemen ayaa si weyn u kululaanaya iyadoo duqeymo xooggan iyo weerarro dhulka ah ay ka socdaan agagaarka marin-biyoodka Bab al-Mandab.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Duqeymaha ayaa socday ku dhowaad 24 saac oo xiriir ah, waxaana la sheegay in in ka badan 100 diyaaradood oo dagaal ay ka qeyb qaadanayaan weerarrada lagu garaacayo goobaha ay Xuutiyiintu ku sugan yihiin ee ku dhow Bab al-Mandab iyo xeebaha Badda Cas.
- Waxaa sidoo kale la sheegay in 324 bartilmaameed oo muhiim ah lagu bartilmaameedsaday duqeymaha, taas oo muujineysa baaxadda weerarka socda.
- Inta ay duqeymaha cirka ah socdaan, ciidamada dowladda Yemen ayaa dhulka ka wada weerarro xooggan oo lagu doonayo in Xuutiyiinta looga riixo goobo muhiim u ah gacan-ku-haynta xeebaha.
- Gulufka ayaa intaas ka sii gudbay, iyadoo ciidamada dowladda ay sheegteen inay qabsadeen magaalada Dhubab iyo goobo kale oo muhiim ah oo ku dhow Bab al-Mandab.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan saameynta suurtagalka ah ee sheegashooyinka dowladda Yemen haddii la xaqiijiyo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Waxaa la sheegay in in ka badan 100 diyaaradood oo dagaal ay ka qeyb qaadanayaan weerarrada lagu garaacayo goobaha ay Xuutiyiintu ku sugan yihiin ee ku dhow Bab al-Mandab.
- Ciidamadu waxay ku dhawaaqeen inay la wareegeen magaalada istaraatiijiga ah ee Mokha.
- Xuutiyiintu ayaa si adag u beeniyay in ciidamada kasoo horjeeda ay horumar weyn ka sameeyeen goobaha muhiimka ah ee ku dhow Bab al-Mandab.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Sanca (Caasimada Online) – Dagaalka Yemen ayaa galay marxalad aad u kulul kadib markii duqeymo xooggan oo cirka ah iyo weerarro dhulka ah ay isku mar ka billowdeen deegaannada istaraatiijiga ah ee ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, iyadoo ciidamada dowladda Yemen ee taageerada ka helaya Sacuudiga ay wadaan guluf ballaaran oo ka dhan ah Xuutiyiinta.
Duqeymaha ayaa socday ku dhowaad 24 saac oo xiriir ah, waxaana la sheegay in in ka badan 100 diyaaradood oo dagaal ay ka qeyb qaadanayaan weerarrada lagu garaacayo goobaha ay Xuutiyiintu ku sugan yihiin ee ku dhow Bab al-Mandab iyo xeebaha Badda Cas.
Waxaa sidoo kale la sheegay in 324 bartilmaameed oo muhiim ah lagu bartilmaameedsaday duqeymaha, taas oo muujineysa baaxadda weerarka socda.
Inta ay duqeymaha cirka ah socdaan, ciidamada dowladda Yemen ayaa dhulka ka wada weerarro xooggan oo lagu doonayo in Xuutiyiinta looga riixo goobo muhiim u ah gacan-ku-haynta xeebaha. Ciidamadu waxay ku dhawaaqeen inay la wareegeen magaalada istaraatiijiga ah ee Mokha, oo ku dhow marin-biyoodka Mokha, halkaas oo dagaallo culus ay ka dhaceen.
Gulufka ayaa intaas ka sii gudbay, iyadoo ciidamada dowladda ay sheegteen inay qabsadeen magaalada Dhubab iyo goobo kale oo muhiim ah oo ku dhow Bab al-Mandab.
Dhubab ayaa kamid ah meelaha muhiimka u ah isku socodka xeebaha, waxaana dib-u-qabsashadeeda lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo ciidamada dowladda ay qaadayaan si ay dib ugu riixaan Xuutiyiinta.
Dagaalka ayaa sidoo kale gaaray gobollada Ma’rib iyo Al-Jawf, halkaas oo ciidamada dowladda ay sheegeen inay dib ula wareegeen xeryo militari iyo goobo kale oo istaraatiiji ah.
Howl-gallada socda ayaa isugu jira duqeymo cirka ah iyo weerarro dhulka ah, waxaana muuqata in ciidamada dowladda ay isku dayayaan inay hal mar dhowr jiho kaga cadaadiyaan Xuutiyiinta.
Xaaladda ayaa sii cakirtay markii duqeymo laga soo sheegay caasimadda Sanca, oo ah xarunta ugu weyn ee Xuutiyiintu gacanta ku hayaan. Weerarrada ka socda magaalada iyo deegaannada kale ayaa muujinaya in dagaalku uusan ku koobneyn jiidaha Bab al-Mandab, balse uu gaarayo xarumaha muhiimka ah ee Xuutiyiinta.
Mareykanka ayaa sidoo kale ku lug leh dagaalka, iyadoo taageerada uu siinayo ciidamada dowladda Yemen ay kusoo beegmayso xilli dagaalku ku wajahan yahay meel ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee gobolka.
Bab al-Mandab ayaa ah marin muhiim u ah maraakiibta ganacsiga ee isaga kala goosha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taas oo dagaalka ka dhigaysa mid leh saameyn ka baxsan gudaha Yemen.
Hase yeeshee, iyadoo ciidamada dowladda ay ku dhawaaqayaan guulo isdaba joog ah, Xuutiyiinta ayaa si adag u beeniyay in ciidamada kasoo horjeeda ay horumar weyn ka sameeyeen goobaha muhiimka ah ee ku dhow Bab al-Mandab.
Ilo ku dhow kooxda ayaa sheegay in Xuutiyiintu weli gacanta ku hayaan qeybo muhiim ah oo ka tirsan aagga, taasoo muujineysa in sheegashada labada dhinac ay si weyn u kala duwan tahay.
Dagaalka ayaa hadda si gaar ah ugu sii kululaanaya Bab al-Mandab, Mokha iyo Dhubab, iyadoo labada dhinac ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan dhulalka iyo marinnada istaraatiijiga ah.
Haddii ciidamada dowladda ay xaqiijiyaan gacan-ku-haynta goobaha ay sheegteen inay qabsadeen waxay noqon kartaa isbeddel muhiim ah oo ku yimaada khariidadda dagaalka Yemen, balse haddii Xuutiyiintu sii haystaan goobaha muhiimka ah, gulufka cusub ayaa isu beddeli kara dagaal dheer oo khasaaro badan dhaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dagaalka Yemen ayaa si weyn u kululaanaya iyadoo duqeymo xooggan iyo weerarro dhulka ah ay ka socdaan agagaarka marin-biyoodka Bab al-Mandab. Ciidamada dowladda Yemen, oo ay taageerayaan Sacuudiga, ayaa la sheegay inay wadaan guluf ballaaran oo ka dhan ah Xuutiyiinta.
Qodobada muhiimka ah
- Dagaalka Yemen ayaa si weyn u kululaanaya iyadoo duqeymo xooggan iyo weerarro dhulka ah ay ka socdaan agagaarka marin-biyoodka Bab al-Mandab.
- Waxaa la sheegay in in ka badan 100 diyaaradood oo dagaal ay ka qeyb qaadanayaan weerarrada lagu garaacayo goobaha ay Xuutiyiintu ku sugan yihiin ee ku dhow Bab al-Mandab.
- Ciidamadu waxay ku dhawaaqeen inay la wareegeen magaalada istaraatiijiga ah ee Mokha.
- Xuutiyiintu ayaa si adag u beeniyay in ciidamada kasoo horjeeda ay horumar weyn ka sameeyeen goobaha muhiimka ah ee ku dhow Bab al-Mandab.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka labada dhinac.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Xuutiyiinta oo ku saabsan sheegashooyinka dowladda ee ku saabsan guulaha dhulka.
- Maqaalku wuxuu si weyn u tiirsan yahay bayaanada rasmiga ah iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Yemen waxay sii ahaaneysaa mid aad u kacsan, iyadoo labada dhinac ay sheeganayaan guulo kala duwan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan saameynta suurtagalka ah ee sheegashooyinka dowladda Yemen haddii la xaqiijiyo?
- Sidee ayey bulshada caalamka uga falcelin doontaa dagaalka sii kordhaya?
- Maxay tahay xaaladda bani'aadamnimada ee aagagga ay saameeyeen?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ciidamada · sacuudiga · yemen