DEG DEG: Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad xasaasi ah oo dastuurka cusub
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMaxkamadda Sare ayaa si rasmi ah u qabatay dacwad ku saabsan dhaqangelinta dastuurka cusub ee Soomaaliya, oo uu gudbiyay xubin sare oo ka tirsan Madasha Samatabixinta.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Dacwaddan ayaa la xiriirta muranka ka taagan wax-ka-beddelka dastuurka iyo habka loo dhaqan-geliyay, iyadoo dacwooduhu uu ka horyimid sharciyadda dastuurka cusub iyo go’aannada ku saleysan, oo ay ka mid tahay muddo kororsiga hay’adaha dowladda.
- Sida ay ogaatay Caasimada Online, Maxkamadda Sare ayaa aqbashay inay gacanta ku dhigto kiiska, taas oo tallaabo muhiim ah u noqon karta dadaallada lagu doonayo in garsoorku go’aan ka gaaro muranka sharci ee ka dhashay dastuurka cusub.
- Kiiskan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha siyaasadeed iyo kuwa sharci ee ku saabsan dastuurka cusub, iyadoo mucaaradka iyo xubno kale oo siyaasadeed ay su’aalo ka keeneen habraacyadii loo maray ansixintiisa iyo saameynta uu ku yeelan karo hannaanka dowladnimada dalka.
- Qodobada dacwadda ku jira waxaa ka mid ah diidmada dhaqangelinta dastuurka cusub iyo raadadka sharci ee ka dhashay, gaar ahaan arrimaha la xiriira muddo kororsiga.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Qodobada gaarka ah ee dacwadda ku jira maxay yihiin?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Maxkamadda Sare ayaa si rasmi ah u qabatay dacwad uu gudbiyay xubin sare oo ka tirsan Madasha Samatabixinta oo ka dhan ah dhaqangelinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.
- Dacwaddan ayaa la xiriirta muranka ka taagan wax-ka-beddelka dastuurka iyo habka loo dhaqan-geliyay.
- Maxkamadda Sare ayaa aqbashay inay gacanta ku dhigto kiiska, taas oo tallaabo muhiim ah u noqon karta dadaallada lagu doonayo in garsoorku go’aan ka gaaro muranka sharci ee ka dhashay dastuurka cusub.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee dalka ayaa si rasmi ah u qabatay dacwad uu gudbiyay xubin sare oo ka tirsan Madasha Samatabixinta, taas oo ka dhan ah dhaqangelinta dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo tallaabooyinka sharci ee ka dhashay.
Dacwaddan ayaa la xiriirta muranka ka taagan wax-ka-beddelka dastuurka iyo habka loo dhaqan-geliyay, iyadoo dacwooduhu uu ka horyimid sharciyadda dastuurka cusub iyo go’aannada ku saleysan, oo ay ka mid tahay muddo kororsiga hay’adaha dowladda.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Maxkamadda Sare ayaa aqbashay inay gacanta ku dhigto kiiska, taas oo tallaabo muhiim ah u noqon karta dadaallada lagu doonayo in garsoorku go’aan ka gaaro muranka sharci ee ka dhashay dastuurka cusub.
Kiiskan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha siyaasadeed iyo kuwa sharci ee ku saabsan dastuurka cusub, iyadoo mucaaradka iyo xubno kale oo siyaasadeed ay su’aalo ka keeneen habraacyadii loo maray ansixintiisa iyo saameynta uu ku yeelan karo hannaanka dowladnimada dalka.
Qodobada dacwadda ku jira waxaa ka mid ah diidmada dhaqangelinta dastuurka cusub iyo raadadka sharci ee ka dhashay, gaar ahaan arrimaha la xiriira muddo kororsiga. Hase yeeshee, faahfaahin dheeraad ah lagama hayo qodobada gaarka ah ee dacwooduhu horgeeyay Maxkamadda Sare iyo doodaha sharci ee uu ku saleeyay cabashadiisa.
Qabashada dacwaddan ayaa si dhow isha loogu hayaa, maadaama go’aanka kasoo baxa Maxkamadda Sare uu saameyn ku yeelan karo doodaha sharci ee ku saabsan dastuurka iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee la xiriira.
Weli lama shaacin waqtiga ay maxkamaddu bilaabi doonto dhageysiga dacwadda ama muddada ay qaadan karto.
Maxkamadda Sare ayaa hore u gaartay go’aanno la xiriira murannada siyaasadeed iyo kuwa doorashooyinka, waxaana ka mid ahaa go’aan lagu laalay natiijadii doorashadii ka dhacday dowlad-goboleedka Galmudug.
Go’aankaas ayaa tusaale u ah doorka ay maxkamaddu ku leedahay xallinta khilaafaadka qaarkood ee ka dhasha hannaanka doorashooyinka iyo maamulka dalka.
Si kastaba, waxaa la sugayaa tallaabooyinka xiga ee Maxkamadda Sare ee ku aaddan dacwaddan iyo go’aanka ay ka gaari doonto cabashada laga keenay dastuurka cusub, oo haatan dowladdu ku howlan tahay dhaqan-gelintiisa.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maxkamadda Sare ayaa si rasmi ah u qabatay dacwad ku saabsan dhaqangelinta dastuurka cusub ee Soomaaliya, oo uu gudbiyay xubin sare oo ka tirsan Madasha Samatabixinta. Dacwaddan ayaa la xiriirta muranka ka taagan wax-ka-beddelka dastuurka iyo habka loo dhaqan-geliyay.
Qodobada muhiimka ah
- Maxkamadda Sare ayaa si rasmi ah u qabatay dacwad uu gudbiyay xubin sare oo ka tirsan Madasha Samatabixinta oo ka dhan ah dhaqangelinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.
- Dacwaddan ayaa la xiriirta muranka ka taagan wax-ka-beddelka dastuurka iyo habka loo dhaqan-geliyay.
- Maxkamadda Sare ayaa aqbashay inay gacanta ku dhigto kiiska, taas oo tallaabo muhiim ah u noqon karta dadaallada lagu doonayo in garsoorku go’aan ka gaaro muranka sharci ee ka dhashay dastuurka cusub.
- Hase yeeshee, faahfaahin dheeraad ah lagama hayo qodobada gaarka ah ee dacwooduhu horgeeyay Maxkamadda Sare.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan qodobada gaarka ah ee dacwooduhu horgeeyay.
- Waqtiga ay maxkamaddu bilaabi doonto dhageysiga dacwadda lama shaacin.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha ka imaanaya dhinacyada kale ee siyaasadda ama daneeyayaasha.
Gunaanadka akhristaha
Ka qaybgalka Maxkamadda Sare ee dacwaddan waxay saameyn ku yeelan kartaa mustaqbalka dhaqangelinta dastuurka Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Qodobada gaarka ah ee dacwadda ku jira maxay yihiin?
- Goorma ayay maxkamaddu bilaabi doontaa dhageysiga dacwadda?
- Maxay noqon kartaa saameynta go'aanka maxkamadda ee ku saabsan hannaanka siyaasadeed?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · cusub · dastuurka · sare