Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Cambaareeyay Ciidamo la Dhigay Hoyga Shariif Sheekh Axmed
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiGolaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay in ciidamo hubeysan la dhigay hoyga madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, isagoo ku tilmaamay falal daandaansi iyo been-abuur ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud laga filayay inuu dalka u jiheeyo wada-hadallo dhab ah oo lagu gaarayo heshiis ku saabsan doorashooyinka dalka.
- Goluhu wuxuu sheegay inay wax laga xumaado tahay in Madaxweynaha uu ku socdo waddo, sida uu hadalka u dhigay, uu ku bannaysanayo dhiigga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan xubnaha mucaaradka, isaga oo hay’adaha amniga u adeegsanaya si sharci-darro ah.
- Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara falalka uu ku tilmaamay daandaansi iyo argagax-gelin ay qaar ka mid ah hay’adaha amnigu ku hayaan hoyga madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.
- Goluhu wuxuu sheegay in mas’uuliyadda wixii cawaaqib ah ee ka dhasha tallaabooyinkaas ay dusha ka saaran tahay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin falalka gaarka ah ee ay ciidamadu ka geysteen hoyga Shariif Sheekh Axmed?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Goluhu wuxuu sheegay in falalka lagu hayo Shariif Sheekh Axmed khatar gelinayaan amnigiisa.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay falal daandaansi iyo been-abuur ah oo lagu hayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaddib markii, sida goluhu sheegay, maalmihii la soo dhaafay hoygiisa la geeyay ciidamo hubeysan oo carqaladeeyay howl-maalmeedkiisa, khatarna geliyay amnigiisa.
War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud laga filayay inuu dalka u jiheeyo wada-hadallo dhab ah oo lagu gaarayo heshiis ku saabsan doorashooyinka dalka.
Goluhu wuxuu sheegay inay wax laga xumaado tahay in Madaxweynaha uu ku socdo waddo, sida uu hadalka u dhigay, uu ku bannaysanayo dhiigga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan xubnaha mucaaradka, isaga oo hay’adaha amniga u adeegsanaya si sharci-darro ah.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara falalka uu ku tilmaamay daandaansi iyo argagax-gelin ay qaar ka mid ah hay’adaha amnigu ku hayaan hoyga madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.
Goluhu wuxuu sheegay in mas’uuliyadda wixii cawaaqib ah ee ka dhasha tallaabooyinkaas ay dusha ka saaran tahay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu joojiyo tallaabooyinka uu ku tilmaamay daandaansiga ah, kuwaas oo uu sheegay inay horseedi karaan isku dhacyo iyo khatar amni, isla markaana uu diiradda saaro sidii heshiis looga gaari lahaa doorashooyinka dalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay in ciidamo hubeysan la dhigay hoyga madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, isagoo ku tilmaamay falal daandaansi iyo been-abuur ah.
Qodobada muhiimka ah
- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay in ciidamo hubeysan la dhigay hoyga madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed.
- Goluhu wuxuu sheegay in falalka lagu hayo Shariif Sheekh Axmed khatar gelinayaan amnigiisa.
- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara falalka uu ku tilmaamay daandaansi iyo argagax-gelin ay qaar ka mid ah hay’adaha amnigu ku hayaan hoyga madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.
- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu joojiyo tallaabooyinka uu ku tilmaamay daandaansiga ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaab ka timid Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan eedeymaha Golaha.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Faahfaahin gaar ah laguma bixin falalka ciidamadu ka geysteen hoyga Shariif Sheekh Axmed ama cawaaqibkooda.
Gunaanadka akhristaha
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa muujiyay walaac weyn oo ku saabsan amniga madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin falalka gaarka ah ee ay ciidamadu ka geysteen hoyga Shariif Sheekh Axmed?
- Sidee ayuu Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uga jawaabay eedeymahan?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka ka dhalan kara digniinta Golaha?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mustaqbalka · golaha · axmed
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada