DF iyo Turkiga oo yeeshay wada-hadal xasaasi ah, xilli DF ay sheegtay inay jiraan kooxo…
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş oo uu wehliyo Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan iyo saraakiil sar-sare. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, dardar-gelinta howlaha socda, gaar

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga, Alper Aktaş, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal.
Maxaa la shaaciyey
- Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga milatari, tababarrada ciidamada, iyo taageeridda dhismaha awoodda difaaca.
- Wasiirka Fiqi ayaa u mahadceliyay dowladda Turkiga doorka ay ka ciyaartay amniga iyo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.
- Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ay jiraan kooxo cadow ku ah dowlad-dhiska Soomaaliya oo dhibsanaya xiriirka labada dal.
“Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dowladda Turkiga uga mahad-celiyay doorka hagar la’aanta ah iyo garab istaagga ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”
Sababta ay muhiim u tahay: Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa muhiim u ah xasillinta dalka iyo horumarinta awoodda ciidamada qalabka sida.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş oo uu wehliyo Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan iyo saraakiil sar-sare.
Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, dardar-gelinta howlaha socda, gaar ahaan tababarrada ciidamada, taageeridda dhismaha awoodda difaaca iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dowladda Turkiga uga mahad-celiyay doorka hagar la’aanta ah iyo garab istaagga ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dib u dhiska ciidamada.
Sidoo kale wuxuu si gaar ah u xusay kaalinta Turkiga ee la-dagaallanka argagixisada, tayeynta ciidamada iyo guulaha wadajirka ah ee laga gaaray iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.