DF oo garab istaag u muujisay Sacuudiga, kadib weerarradii Xuutiyiinta Yemen
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarrada gantaallada ah ee kooxda Xuutiyiinta ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee King Khalid ee Riyadh, taasoo keentay dhimashada ugu yaraan saddex qof iyo dhaawaca dhowr qof.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska dadkii ku dhintay weerarrada, Sidoo kale, waxay u rajeynaysaa dhammaan dadkii ku dhaawacmay weerarradaas caafimaad degdeg ah”.
- Dowladda Soomaaliya ayaa marka hore si adag u cambaareysay weerarradan, waxayna tilmaamtay inay khatar ku yihiin madaxbannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo amniga gobolka.
- Sidoo kale, Soomaaliya ayaa xadgudub weyn ku tilmaamtay weerarrada joogtada ah ee ay kooxda Xuutiyiinta ku hayaan gudaha dalka Sacuudiga, kuwaas oo sii xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay.
- “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Abha iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee King Khalid ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, weerarradaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo dhaawaca dad kale oo badan.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa mowqifka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee khilaafaadka gobolka iyo saamaynta ay ku leedahay iskaashiga amniga ee Geeska Afrika.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Soomaaliya ay qaadi doonto si ay u taageerto Sacuudi Carabiya?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa muujisay garab istaag buuxa oo ay la leedahay dowladda iyo shacabka Sacuudi Carabiya, iyadoo xustay xiriirka ka dhexeeya amniga gobolka iyo amnigeeda.
- Soomaaliya ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada lagu beegsanayo kaabeyaasha rayidka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay weerarro gantaallo ah oo Jimcihii kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ku qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyadh, kaas oo dhaliyay dhimashada ugu yaraan illaa saddex qof iyo dhawaca dhowr qof oo kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa marka hore si adag u cambaareysay weerarradan, waxayna tilmaamtay inay khatar ku yihiin madaxbannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo amniga gobolka.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa xadgudub weyn ku tilmaamtay weerarrada joogtada ah ee ay kooxda Xuutiyiinta ku hayaan gudaha dalka Sacuudiga, kuwaas oo sii xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Abha iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee King Khalid ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, weerarradaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo dhaawaca dad kale oo badan. Weerarradani waxay xadgudub weyn ku yihiin sharciga caalamiga ah, waxayna khatar toos ah ku yihiin madaxbannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo amniga gobolka,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in garab istaag buuxa ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Sacuudi Carabiya.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, maadaama dowladda Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka xeebaha ku leh Badda Cas, waxay aaminsan tahay in amniga gobolka Gacanka iyo Badda Cas uu si dhow ula xiriira amnigeeda,” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidaas darteed, Dowladda Soomaaliyeed waxay ku baaqeysaa in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada lagu beegsanayo kaabeyaasha rayidka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska dadkii ku dhintay weerarrada, Sidoo kale, waxay u rajeynaysaa dhammaan dadkii ku dhaawacmay weerarradaas caafimaad degdeg ah”.
Si kastaba, W eerarrada Riyadh ayaa kusoo beegmay xilli ciidamada Sacuudi Carabiya ay kordhiyeen duqeymaha cirka ee ay ka fulinayaan gudaha Yemen, gaar ahaan caasimadda Sanca oo ay maamulaan Xuutiyiintu.
Dagaalka ayaa si weyn u xoogaystay toddobaadyadii u dambeeyay, kaddib markii Xuutiyiintu ay bishii September horumar militari ka sameeyeen xeebaha Badda Cas, iyagoo la wareegay dhul ku dhow marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab. Horumarkaasi ayaa Sacuudi Carabiya ku kallifay inay dib u xoojiso faragelinteeda militari ee Yemen, iyadoo taageero cirka ah siinaysa ciidamada dowladda ee isku dayaya inay dib ula wareegaan deegaannada ay Xuutiyiintu qabsadeen.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarrada gantaallada ah ee kooxda Xuutiyiinta ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee King Khalid ee Riyadh, taasoo keentay dhimashada ugu yaraan saddex qof iyo dhaawaca dhowr qof. Soomaaliya ayaa muujisay garab istaag buuxa oo ay la leedahay Sacuudi Carabiya waxayna ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada lagu beegsanayo kaabeyaasha rayidka.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarrada gantaallada ah ee kooxda Xuutiyiinta ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee King Khalid ee Riyadh, taasoo keentay dhimashada ugu yaraan saddex qof iyo dhaawaca dhowr qof.
- Soomaaliya ayaa muujisay garab istaag buuxa oo ay la leedahay dowladda iyo shacabka Sacuudi Carabiya, iyadoo xustay xiriirka ka dhexeeya amniga gobolka iyo amnigeeda.
- Soomaaliya ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada lagu beegsanayo kaabeyaasha rayidka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha kooxda Xuutiyiinta ama mas'uuliyiinta Sacuudi Carabiya.
- Tirakoobyada khasaare iyo faahfaahinta weerarrada waa sheegashooyin aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaannada dowladda Soomaaliya iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Soomaaliya ayaa si rasmi ah u cambaareysay weerarrada Xuutiyiinta waxayna muujisay midnimo la leh Sacuudi Carabiya iyadoo ay jiraan xiisado gobolka ka jira.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Soomaaliya ay qaadi doonto si ay u taageerto Sacuudi Carabiya?
- Sidee bay xaaladdu u horumari doontaa ka dib markii la kordhiyo weerarrada?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadayo si loo ilaaliyo kaabeyaasha rayidka ee gobolka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa mowqifka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee khilaafaadka gobolka iyo saamaynta ay ku leedahay iskaashiga amniga ee Geeska Afrika.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · yemen · xuutiyiinta · garab
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada