Dowladda Imaaraadka oo Turkiga ka dalbatay teegaaro lama filaan ah oo ku saabsan…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDowladda Imaaraadka ayaa la sheegay inay Turkiga ka codsatay inuu gacan ka geysto dib u furidda wada-hadallada kala dhexeeya hoggaamiyaha militariga Sudan xilli cadaadis caalami ah uu ka jiro eedeymaha ku saabsan taageerada RSF.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sida ay warbixinnadu sheegayaan, Abu Dhabi ma aysan dooneyn oo keliya in Ankara ay dib u soo celiso xiriirka siyaasadeed ee Sudan, balse waxay kaloo ka dalbatay inay Khartoum ku qanciso joojinta ololeyaasha warbaahineed ee lagu dhaliilayo doorka Imaaraadka ee dagaalka.
- Kulankii Abu Dhabi Wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM ayaa xaqiijisay in 3-dii November uu Kalın la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka Sheekh Mansuur bin Zayed Al Nahyan.
- Kulanka waxaa joogay la-taliyaha amniga qaranka Sheekh Tahnoon bin Zayed iyo xoghayaha guud ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka, Cali bin Hammad Al Shamsi.
- Bayaanka rasmiga ah wuxuu sheegay in dhinacyadu ka wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo arrimo goboleed iyo caalami ah, balse ma uusan xusin Sudan.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Ma aqbali doontaa Sudan codsiga Imaaraadka ee ku saabsan ka qaybgalka Turkiga?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Imaaraadka ayaa Turkiga ka codsatay inuu gacan ka geysto dib u furidda wada-hadallada kala dhexeeya hoggaamiyaha militariga Sudan, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan.
- Ibrahim Kalın, madaxa hay’adda sirdoonka Turkiga ee MIT, ayaa la sheegay inuu qayb ka ahaa wada-tashiyada intii uu booqasho heer sare ah ku joogay Abu Dhabi.
- Imaaraadka ayaa si joogto ah u beeniyey inuu hub ama taageero militari siiyo RSF.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay Turkiga ka codsatay inuu gacan ka geysto dib u furidda wada-hadallada kala dhexeeya hoggaamiyaha militariga Sudan, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan, xilli cadaadis caalami ah uu ka haysto eedeymaha ku saabsan taageerada Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee RSF.
Warbaahinta Sudanese Echo, oo soo xiganeysa ilo la socda wada-tashiyada, ayaa sheegtay in codsiga loo gudbiyey Ibrahim Kalın, madaxa hay’adda sirdoonka Turkiga ee MIT, intii uu booqasho heer sare ah ku joogay Abu
Sida ay warbixinnadu sheegayaan, Abu Dhabi ma aysan dooneyn oo keliya in Ankara ay dib u soo celiso xiriirka siyaasadeed ee Sudan, balse waxay kaloo ka dalbatay inay Khartoum ku qanciso joojinta ololeyaasha warbaahineed ee lagu dhaliilayo doorka Imaaraadka ee dagaalka.
Kulankii Abu Dhabi
Wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM ayaa xaqiijisay in 3-dii November uu Kalın la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka Sheekh Mansuur bin Zayed Al Nahyan.
Kulanka waxaa joogay la-taliyaha amniga qaranka Sheekh Tahnoon bin Zayed iyo xoghayaha guud ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka, Cali bin Hammad Al Shamsi.
Bayaanka rasmiga ah wuxuu sheegay in dhinacyadu ka wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo arrimo goboleed iyo caalami ah, balse ma uusan xusin Sudan.
Sudanese Echo waxay sheegtay in Kalın uu sidoo kale wada-tashi la yeeshay Wasiiru-dowlaha Imaaraadka Sheekh Shakhboot bin Nahyan, oo ka shaqeeya siyaasadda Abu Dhabi ee Afrika.
Ilo wareedyadu waxay intaas ku dareen in Cali Saciid Al Neyadi, madaxa hay’adda maareynta xaaladaha degdegga ah, uu qayb ka ahaa wada-tashiyada, inkastoo magaciisu aanu ku jirin diiwaanka rasmiga ah ee kulanka.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Kalın uu mas’uuliyiinta Imaaraadka uga digay sii socoshada hubka loo gudbiyo RSF, isaga oo u sheegay in hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay la socdaan dhaqdhaqaaqyadaas.
Imaaraadka ayaa si joogto ah u beeniyey inuu hub ama taageero militari siiyo RSF.
Caddeymo sii kordhaya
Eedeymaha Abu Dhabi wajahayo kuma eka hadallada dowladda Sudan. Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay September 2026 ayaa sheegtay inay jiraan sababo macquul ah oo lagu rumeysan karo in shabakad caalami ah ay fududeysay hawlgallada RSF, iyada oo adeegsaneysa marinno isku xira Imaaraadka, Chad, koonfur-bari Libya iyo Puntland.
Guddiga xaqiiqo-raadinta wuxuu xusay hub ay ka mid yihiin madaafiicda AH-4, nidaamyada difaaca cirka ee FK-2000 iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee CH-95.
Waxa kale oo uu sheegay in Boosaaso ay ka mid ahayd xarumaha loo adeegsaday gudbinta hub, dagaalyahanno iyo sahay kale.
Amnesty International ayaa May 2025 sheegtay inay Sudan ku aqoonsatay bambooyin hagitaan leh oo GB50A ah iyo madaafiicda AH-4 oo Shiinaha lagu sameeyey, kuwaas oo ay ku dooday inay u badan tahay in dib looga dhoofiyey Imaaraadka.
Human Rights Watch-na waxay 2026 diiwaangelisay dagaalyahanno u dhashay Colombia oo la sheegay inay soo mareen xarumo ku yaalla Imaaraadka ka hor inta aysan garab istaagin RSF.
Turkiga wuxuu xiriir toos ah la leeyahay hoggaanka militariga Sudan, isla markaana wuxuu xiriir dhow la leeyahay Imaaraadka.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa December 2024 horey u soo jeediyey inuu dhexdhexaadiyo labada dhinac, hindise ay markaas soo dhoweeyeen Khartoum iyo Abu Dhabi.
Hase yeeshee, weli ma cadda in Sudan ay aqbali doonto dadaalka cusub. Khilaafka ugu weyn wuxuu ku saabsan yahay eedeymaha taageerada militari ee RSF.
Sidaas darteed, wada-hadal diiradda saara keliya yareynta dhaleeceynta warbaahinta ma xallin doono arrinta salka u ah xiisadda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Imaaraadka ayaa la sheegay inay Turkiga ka codsatay inuu gacan ka geysto dib u furidda wada-hadallada kala dhexeeya hoggaamiyaha militariga Sudan xilli cadaadis caalami ah uu ka jiro eedeymaha ku saabsan taageerada RSF.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Imaaraadka ayaa Turkiga ka codsatay inuu gacan ka geysto dib u furidda wada-hadallada kala dhexeeya hoggaamiyaha militariga Sudan, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan.
- Ibrahim Kalın, madaxa hay’adda sirdoonka Turkiga ee MIT, ayaa la sheegay inuu qayb ka ahaa wada-tashiyada intii uu booqasho heer sare ah ku joogay Abu Dhabi.
- Imaaraadka ayaa si joogto ah u beeniyey inuu hub ama taageero militari siiyo RSF.
- Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay September 2026 ayaa sheegtay inay jiraan sababo macquul ah oo lagu rumeysan karo in shabakad caalami ah ay fududeysay hawlgallada RSF.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay sheegashooyinka Sudanese Echo mana bixinayo xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid Sudan oo ku saabsan codsiga Imaaraadka.
- Maqaalku ma caddaynayo xaaladda wada-hadalada ama doorka gaarka ah ee Imaaraadka.
Gunaanadka akhristaha
Dowladda Imaaraadka ayaa raadinaysa caawimaad Turkiga si ay u dhex-dhexaadiso Sudan iyadoo ay socoto eedeymo ku saabsan taageero milatari oo loo fidinayo RSF.
Waxa weli aan caddayn
- Ma aqbali doontaa Sudan codsiga Imaaraadka ee ku saabsan ka qaybgalka Turkiga?
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Turkiga uu qaadi doono ka dib codsiga Imaaraadka?
- Sidee ayey bulshada caalamka uga falcelin doontaa eedeymaha ku saabsan taageerada Imaaraadka ee RSF?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · imaaraadka · saabsan · dowladda