Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Dowladda Soomaaliya oo si deg deg ah ugu wacday Safiirkii dalalka Seerbiya iyo Ukraine.
Jimco , 21 August 2026 {HMC} Wasaarada arimaha dibada ayaa u yeertay Danjire Maxamed Cabdulahi Axmed oo ku magacaaban safiirka Soomaliya ee dalalka Seerbiya iyo Ukraine kadib fadeexadii dhawaan soo ifbaxday ee muujisay dhibaatada ka jirta safaarada iyo shaqsiyada safiirka oo lagu tilmaamay mid aad u hooseysa. Sida aan xogta ku helnay ninkan oo ay […] The post Dowladda Soomaaliya oo si deg de

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Jimco , 21 August 2026 {HMC} Wasaarada arimaha dibada ayaa u yeertay Danjire Maxamed Cabdulahi Axmed oo ku magacaaban safiirka Soomaliya ee dalalka Seerbiya iyo Ukraine kadib fadeexadii dhawaan soo ifbaxday ee muujisay dhibaatada ka jirta safaarada iyo shaqsiyada safiirka oo lagu tilmaamay mid aad u hooseysa.
Sida aan xogta ku helnay ninkan oo ay qaraabo dhaw yihiin mid kamida xaasaska Madaxweyne Xasan ayaa diiday in uu soo xaroodo waxaana sidaan oo kale jiray dhacdooyin lamida tii dhexmartay isaga iyo qunsulka oo aan banaanka imaan .
Safiirka ayaa la sheegay in uu hadda ka hor safaarada ku dhex feeray nin xoghaye koowaad Safaarada ka ahaa halka sidookale uu diiday in uu wasaarada arimaha dibada Seerbiya u gudbiyo warqadaha safiir ku xigeenka safaarada iyadoo la sheegay in ninkan oo isku halleynaya awooda qoyska Madaxweynaha uu diidanyahay in uu shaqada safaarada ka soo dhexbaxo ama si wanaagsan ula dhaqmo masuuliyiinta kale ee safaarada lagula qoray.
xogta aan hadda helnay ayaa sheegeysa in si degdega loogu yeeray balse uu si cad u diiday in uu u hogaansamo amarka wasiirka Arimaha dibada
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.