Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Duqa Muqdisho oo Guddoomiyay Shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa guddoomiyay shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda, xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka iyo qorshe-hawleedka lixda bilood ee soo socota. Shirka ayaa lagu go’aamiyay in mudnaanta la siiyo kor u qaadista

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa guddoomiyay shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda, xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka iyo qorshe-hawleedka lixda bilood ee soo socota.
Shirka ayaa lagu go’aamiyay in mudnaanta la siiyo kor u qaadista nadaafadda Muqdisho, joogteynta ololayaasha bilic-soo-celinta, horumarinta adeegyada fayadhowrka iyo xoojinta wada-shaqeynta bulshada. Sidoo kale, maamullada degmooyinka ayaa lagu amray inay si joogto ah ula socdaan hirgelinta qorshayaasha horumarinta caasimadda.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku adkeeyay in dhammaan degmooyinka ay si buuxda u dhaqan-geliyaan Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda Gobolka Banaadir, si loo ilaaliyo bilicda magaalada loona xaqiijiyo bedqabka deegaanka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.