Ergada Iiraan wada hadalo ma layeelan karaan Dowladda Mareykanka
Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim ayaa warbixin ay maanta baahisay ku sheegtay in kulankii wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, uu shalay New York kula yeeshay ergada Mareykanka, kaas oo la sheegay in looga hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadallada u…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho, 23 Sep 2026 {HMC} Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim ayaa warbixin ay maanta baahisay ku sheegtay in kulankii wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, uu shalay New York kula yeeshay ergada Mareykanka, kaas oo la sheegay in looga hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, uusan haysan oggolaanshaha hay’adaha Iiraan ee ku shaqada leh dejinta siyaasadda arrimaha dibadda, oo ay ku jirto Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan.
Taas waxay ka dhigan tahay in wax kasta oo kulankaas lagu heshiiyay ama looga hadlay aysan si toos ah uga dhignayn go’aamo rasmi ah dhinaca Iiraan ka dhaqangeli kara, maadaama aysan haysan oggolaanshaha hay’adaha awoodda u leh inay go’aannada noocaas ah ansixiyaan.
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ergada · wada · mareykanka