Mareykanka oo xayiraad fiiso saaray Cabdifataax al-Burhan
Washington (Caasimada Online) — Dowladda Mareykanka ayaa wali fiisaha gelitaanka dalkaasi siin hoggaamiyaha ciidamada Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, iyadoo maalmo yar ay ka harsan yihiin khudbad la qorsheeyay inuu ka jeediyo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) — Dowladda Mareykanka ayaa wali fiisaha gelitaanka dalkaasi siin hoggaamiyaha ciidamada Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, iyadoo maalmo yar ay ka harsan yihiin khudbad la qorsheeyay inuu ka jeediyo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Arrintan ayaa lagu sheegay warqad uu safiirka Sudan ee Qaramada Midoobay, Al-Harith Idriss Al-Harith, u diray Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres, isagoo ka codsaday hay’adda caalamiga ah inay si degdeg ah arrinta u farageliso.
Ilo diblomaasiyadeed oo Sudanese ah iyo falanqeeye reer galbeed ah oo xog-ogaal u ah wada-hadallada labada dhinac ayaa sheegay in bixinta fiisaha lala xiriiriyay in al-Burhan uu oggolaado qorshe xabbad-joojin ah oo soconaya 90 maalmood.
Qorshahaas waxaa soo jeediyay Massad Boulos, oo ah la-taliyaha sare ee Mareykanka ee arrimaha Carabta iyo Afrika.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo mas’uuliyiinta Sudan ayaan markiiba jawaab ka bixin codsiyo loo diray oo ku saabsanaa arrintan.
Al-Burhan ayaa lagu wadaa inuu Khamiista khudbad ka jeediyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Warqadda Sudan, oo ku taariikhaysan 21-ka Sebtembar, ayaa QM ka dalbatay “faragelin degdeg ah” oo ay la sameyso dowladda Mareykanka si loo xaqiijiyo in fiisaha loo soo saaro al-Burhan.
“Haddii xaaladdan ay sii socoto, waxay dhab ahaan ka hor istaagi doontaa madaxa dowlad xubin ka ah Qaramada Midoobay inuu si shaqsi ah uga qeyb galo howlaha Golaha Guud,” ayaa lagu yiri warqadda.
Afhayeenka Qaramada Midoobay Stéphane Dujarric ayaa sheegay in Guterres uu si weyn uga walaacsan yahay wararka sheegaya in wali aan fiisaha loo soo saarin madaxa Golaha Sare ee Ku-meelgaarka ah ee Sudan.
Dujarric ayaa sheegay in xoghaynta Qaramada Midoobay ay arrinta si toos ah ula xiriirtay mas’uuliyiinta Mareykanka, ayna sii waddo wada-hadallada.
Khilaaf la xiriira xabbad-joojinta
Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmeysa xilli xiriirka Mareykanka iyo hoggaanka ciidamada Sudan uu sii xumaanayay.
Ciidamada Sudan ayaa xagaagan muujiyay diidmo iyo shuruudo ku saabsan qorshaha xabbad-joojinta ee uu soo jeediyay Boulos, iyagoo dalbanayay in heshiis kasta uu ku jiro in ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ay ka baxaan magaalooyinka ay gacanta ku hayaan.
Al-Burhan ayaa maqaal Isniintii lagu daabacay wargeyska Mareykanka ee Foreign Policy ku sheegay inuusan aqbali doonin amarro dibadda looga yeeriyo oo ku saabsan sida loo wajahayo dagaalka Sudan.
Waxa uu sidoo kale ku dooday in xabbad-joojinnadii hore ay RSF iyo taageerayaasheeda siisay fursad ay dib isugu abaabulaan.
“Xabbad-joojinnadu way burbureen intii uu dagaalkani socday, sababtoo ah waxaa laga qoray Sudan iyadoo aan Sudan qeyb ka ahayn,” ayuu yiri al-Burhan.
Mareykanka ayaa isku dayaya inuu dhex-dhexaadiyo dhinacyada ku dagaallamaya Sudan, isagoo adeegsanaya qaab loo yaqaan “Quad”, oo ay sidoo kale ku jiraan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Sacuudi Carabiya.
Dalalkaas ayaa loo arkaa kuwa saameynta ugu weyn ku leh dhinacyada iyo xaaladda siyaasadeed ee Sudan.
Dagaal galay sanadkii afraad
Dagaalka Sudan ayaa billowday bishii Abriil 2023, markii uu dagaal toos ah dhex maray ciidamada dowladda ee uu hoggaamiyo al-Burhan iyo RSF oo uu hoggaamiyo Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti.
Qaramada Midoobay ayaa dagaalka Sudan ku tilmaantay mid sababay dhibaatada bani’aadannimo ee ugu weyn dunida.
Hemedti ayaa dhankiisa sameystay maamul la tartamaya dowladda ay taageeraan ciidamada Sudan, inkastoo maamulkaasi uusan weli helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.
Al-Burhan ayaa ahaa hoggaamiyaha dhabta ah ee Sudan tan iyo 2019-kii, waxaana isaga iyo Hemedti ay 2021-kii afgambi ku rideen dowladdii rayidka ahayd, taasoo keentay in Midowga Afrika iyo quwadaha reer galbeedka ay ka noqdaan aqoonsigii nidaamka cusub.
Si kastaba ha ahaatee, al-Burhan ayaa sanadihii ka dambeeyay afgambiga Sudan ku matalay kulammada Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Khilaafka fiisaha ayaa sidoo kale keenaya su’aalo ku saabsan waajibaadka Mareykanka ee ah dalka martigeliya xarunta Qaramada Midoobay. Heshiiska martigelinta QM ayaa guud ahaan dhigaya in Mareykanku fududeeyo gelitaanka wakiillada dowladaha xubnaha ka ah ee u socda howlaha Qaramada Midoobay.
Xiriirka Washington iyo hoggaanka ciidamada Sudan ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay horey ugu jiray xaalad kacsan, gaar ahaan kadib markii Mareykanku soo jeediyay in cunaqabateynta hubka ee hadda saaran gobolka Darfur lagu ballaariyo Sudan oo dhan.
Taageerayaasha al-Burhan ayaa ku doodaya in tallaabadaasi ay si weyn u saameyn doonto ciidamada dowladda marka loo eego RSF.
Ra’iisul wasaarihii rayidka ahaa ee Sudan ka hor afgambigii 2021, Abdalla Hamdok, ayaa isna toddobaadkan ku sugan New York, isagoo halkaasi kula sugan xubno ka tirsan isbahaysigiisa ka soo horjeeda dagaalka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mareykanka · burhan · xayiraad