Farmaajo oo dalab xasaasi ah u diray beesha caalamka kadib tallaabadii Xasan Sheekh
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiMadaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war-saxaafadeed soo saaray oo ku jawaabay Madaxweynaha hadda Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in hadalladdii u dambeeyay ee uu jeediyay Madaxwynaha ay muujinayaan damaciisa gurracan ee ku aaddan xukun maroorsiga iyo hurinta colaad sokeeye, sida uu hadalka u dhigay.
- Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay inuu ka baxay wada-hadalladii ay garwadeenka ka ahayd beesha caalamka ee lagu doonayo in heshiis looga gaaro khilaafka taagan ee ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka oo ay weli isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.
- “In Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday uu ka laabto wadahadalladii muddada socday ee beesha caalamku ay garwadeenka ka ahaayeen, kana baxay heshiiskii ku saabsanaa in aanu qaban karin doorasho heer federaal ah oo aan heshiis lagu ahayn waxa ay caddayn u tahay in aanu diyaar u ahayn wadatashi iyo hannaan loo dhan yahay, yoolkiisuna yahay wakhti dheeraysi uu ku hirgelinayo doorasho uu natiijada qorto,” ayuu yiri Farmaajo.
- Dhinaca kale, wuxuu farriin culus u diray beesha caalamka oo uu ugu baaqay in aysan mar danbe ku kadsoomin Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay in aysan jirin niyad wanaag iyo rabitaan dhankiisa ah oo lagu gaari karo doorasho daah-furan oo loo dhan yahay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee beesha caalamka ay qaadi doonto ka dib hadalka Farmaajo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war-saxaafadeed soo saaray oo ku jawaabay Madaxweynaha hadda Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dast
- Farmaajo ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu ka baxay wada-hadalladii ay garwadeenka ka ahayd beesha caalamka ee lagu doonayo in heshiis looga gaaro khilaafka taagan ee ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka.
- Farmaajo wuxuu farriin culus u diray beesha caalamka oo uu ugu baaqay in aysan mar danbe ku kadsoomin Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay in aysan jirin niyad wanaag iyo rabitaan dhankiisa ah oo lagu gaari karo doorasho daah-furan o
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war-sxaafadeed soo saaray ayaa u jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku hayaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka dalka.
Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in hadalladdii u dambeeyay ee uu jeediyay Madaxwynaha ay muujinayaan damaciisa gurracan ee ku aaddan xukun maroorsiga iyo hurinta colaad sokeeye, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay inuu ka baxay wada-hadalladii ay garwadeenka ka ahayd beesha caalamka ee lagu doonayo in heshiis looga gaaro khilaafka taagan ee ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka oo ay weli isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.
“In Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday uu ka laabto wadahadalladii muddada socday ee beesha caalamku ay garwadeenka ka ahaayeen, kana baxay heshiiskii ku saabsanaa in aanu qaban karin doorasho heer federaal ah oo aan heshiis lagu ahayn waxa ay caddayn u tahay in aanu diyaar u ahayn wadatashi iyo hannaan loo dhan yahay, yoolkiisuna yahay wakhti dheeraysi uu ku hirgelinayo doorasho uu natiijada qorto,” ayuu yiri Farmaajo.
Dhinaca kale, wuxuu farriin culus u diray beesha caalamka oo uu ugu baaqay in aysan mar danbe ku kadsoomin Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay in aysan jirin niyad wanaag iyo rabitaan dhankiisa ah oo lagu gaari karo doorasho daah-furan oo loo dhan yahay.
“Saaxiibbada taageera Soomaaliya ee ku howllanaa xallinta khilaafaadka doorashada waxaan ugu baaqaynaa in aysan mar danbe ku kadsoomin baaqyada heshiiska iyo wadahadallada ee uu soo gudbiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhammaaday, maadama aysan jirin niyad wanaag iyo rabitaan dhankiisa ah oo lagu gaari karo doorasho daah-furan oo loo dhan yahay,” ayuu sii raaciyay.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo toddobaadkii hore Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu shaaciyay jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo tan Madaxweynaha, kaas oo ay si cad u diideen siyaasiyiinta mucaaradka ee sida wayn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war-saxaafadeed soo saaray oo ku jawaabay Madaxweynaha hadda Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war-saxaafadeed soo saaray oo ku jawaabay Madaxweynaha hadda Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dast
- Farmaajo ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu ka baxay wada-hadalladii ay garwadeenka ka ahayd beesha caalamka ee lagu doonayo in heshiis looga gaaro khilaafka taagan ee ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka.
- Farmaajo wuxuu farriin culus u diray beesha caalamka oo uu ugu baaqay in aysan mar danbe ku kadsoomin Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay in aysan jirin niyad wanaag iyo rabitaan dhankiisa ah oo lagu gaari karo doorasho daah-furan o
- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo tan Madaxweynaha, kaas oo ay si cad u diideen siyaasiyiinta mucaaradka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ama maamulka uu hoggaamiyo.
- Eedeymaha Farmaajo ma ahan kuwo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan mowqifka beesha caalamka.
Gunaanadka akhristaha
Hadalka Farmaajo wuxuu muujinayaa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee Soomaaliya ku saabsan hannaanka doorashooyinka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee beesha caalamka ay qaadi doonto ka dib hadalka Farmaajo?
- Sidee ay mucaaradka uga jawaabi doonaan jadwalka doorashooyinka la shaaciyay?
- Maxay yihiin cawaaqibka eedeymaha Farmaajo ee ku aaddan wada-hadalada mustaqbalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · farmaajo · xasan · sheekh