Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Garoowe: Puntland oo si weyn u xustay 1-da Luulyo
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid… Sii akhri

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa caawa bulshada Garoowe kala qeybgalay munaasabadda xuska 1-da Luulyo ee sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegatay maalinta xornimada iyo midowga Soomaaliyeed.
Munaasabadda oo ka dhacday barxada caasimada Garoowe, waxaa madaxdu goobjoog u noqotay calansaarka, iyada oo madaxweyne Deni uu salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland.
Madaxweyne Deni oo khudbad halkaas ka jeediyay ayaa ka hadlay midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Puntland ay marwalbo u taagan tahay midnimada iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.
Wuxuu si adag ugu digay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo uu ku eedeeyay in uu Soomaaliya burburkeeda ka shaqeynaya, dalkana gelinaya xaalad halis ah oo uu rabo in uu sharci daro ku joogo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.