Gobol maanta afti u qaadaya inuu ka go’o Canada iyo in kale
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDadweynaha ku dhaqan gobolka Alberta ayaa ka qaybgalaya codbixin afti ah oo aan sharciyan qasab ahayn oo ku saabsan suurtagalnimada kala go'a gobolka ka mid ah Canada.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinSahan cusub oo uu shaaciyay Machadka Angus Reid ayaa lagu ogaaday in 66% dadka Alberta ay qorsheynayaan inay u codeeyaan in dalka lagu sii jiro, inkasta oo 60% ay rumeysan yihiin in dhaq-dhaqaaqa gooni-u-goosadka uusan waligiis dhammaan doonin.
- Inkasta oo dhammaan saadaalintu muujinayso in guuldarro baaxad leh ay wajihi doonto kooxda u ololeysa gooni-u-goosadka, haddana dadka falanqeeya siyaasadda dalkaas waxay rumeysan yihiin in natiijadu aysan soo afjari doonin xiisadda iyo doodda siyaasadeed ee muddada dheer taagneyd.
- Sahanada ra’yiga dadweynaha ayaa si joogto ah u muujiyay in aqlabiyadda shacabka Alberta — oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 5 milyan oo qof — ay diiddan yihiin kala go’a Canada.
- Hase yeeshee, tabashooyinka dhanka dhaqaalaha ah ayaa dabka ku sii shiday ololaha madax-bannaanida ee gobolkan oo bed ahaan wax yar ka yar gobolka Texas ee dalka Mareykanka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa kororka niyad-jabka ka jira Alberta ee ku aaddan siyaasadaha federaalka, taasoo saameyn ku yeelan karta isbeddelada siyaasadeed ee mustaqbalka ee Canada.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo aftida?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- 66% dadka Alberta ayaa qorsheynaya inay u codeeyaan in dalka lagu sii jiro, inkasta oo 60% ay rumeysan yihiin in dhaq-dhaqaaqa gooni-u-goosadka uusan waligiis dhammaan doonin.
- Cory Morgan, oo ah aasaasaha hay’ad u ololeysa madax-bannaanida gobolka oo lagu magacaabo Pathway to Independence, ayaa dhaleeceeyay siyaasadaha dowladda federaalka ee ku saabsan warshadaha shidaalka Alberta.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Calgary (Caasimada Online) — Dadweynaha ku dhaqan gobolka shidaalka qaniga ku ah ee Alberta oo ku yaalla galbeedka dalka Canada, ayaa Isniinta maanta ah u dareeray codbixin afti ah oo aan sharciyan qasab ahayn (nonbinding referendum), taasoo ku saabsan in gobolku ka go’o dalka intiisa kale iyo in kale.
Inkasta oo dhammaan saadaalintu muujinayso in guuldarro baaxad leh ay wajihi doonto kooxda u ololeysa gooni-u-goosadka, haddana dadka falanqeeya siyaasadda dalkaas waxay rumeysan yihiin in natiijadu aysan soo afjari doonin xiisadda iyo doodda siyaasadeed ee muddada dheer taagneyd.
Sahanada ra’yiga dadweynaha ayaa si joogto ah u muujiyay in aqlabiyadda shacabka Alberta — oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 5 milyan oo qof — ay diiddan yihiin kala go’a Canada.
Hase yeeshee, tabashooyinka dhanka dhaqaalaha ah ayaa dabka ku sii shiday ololaha madax-bannaanida ee gobolkan oo bed ahaan wax yar ka yar gobolka Texas ee dalka Mareykanka.
Dhaq-dhaqaaqan ayaa culays horleh ku kordhinaya Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, kaas oo difaaca madax-bannaanida dalka ka dhigtay qodobka ugu muhiimsan ajandihiisa, xilli uu wajahayo canshuuro uu dhowaan Mareykanku ku soo rogay dalkiisa iyo hadallo ka soo yeeray Madaxweyne Donald Trump oo ku baaqayay in Canada ay noqoto gobolka 51-aad ee Mareykanka.
Cabasho dhaqaale oo salka ku haysa shidaalka
Dadka u ololeeya gooni-u-goosadka Alberta ayaa rumeysan in dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Ottawa, oo uu hoggaamiyo Xisbiga Libaraalka, ay curyaamisay wershadaha shidaalka ee gobolka iyada oo adeegsanaysa xeerar adag oo deegaanka ah.
Waxay ku doodayaan in Alberta, oo ah xudunta tamarta dalka, ay dhaqaalaha Canada ku darsato wax aad uga badan inta ay dib uga hesho dowladda dhexe.
“Canada waxay leedahay nidaam aan caddaalad ku dhisnayn oo naas-nuujiya dowladda dhexe iyo dadka ku nool bartamaha, iyadoo laga faa’iideysanayo gobollada wax-soo-saarka leh sida Alberta,” ayuu yiri Cory Morgan, oo ah aasaasaha hay’ad u ololeysa madax-bannaanida gobolka oo lagu magacaabo Pathway to Independence.
Aftidan ayaa ah tii ugu horreysay ee ku saabsan ka go’itaanka Canada oo lagu qabto gobol ka baxsan Quebec oo ah gobolka looga hadlo Faransiiska. Si ka duwan Quebec oo doonisteedu salka ku haysay arrimo luqadeed iyo aqoonsi dhaqan, khilaafka Alberta ayaa si buuxda ugu qotoma dhaqaale iyo canshuuro.
Fariin loo dirayo dowladda iyo doodda Carney
Ra’iisul Wasaare Carney, oo ku soo barbaaray Alberta, ayaa maalmihii la soo dhaafay olole ballaaran ka dhex waday gobolka si dadku ugu codeeyaan “inay Canada ka mid ahaadaan”, isagoo cod-bixiyayaasha ugu baaqay waddaniyad iyo garab-is-taag qaran.
“Canada ma aha macaamil ganacsi oo u dhexeeya gobollo; ma aha arrin ku saabsan wax la dhiibay iyo wax la helay,” ayuu yiri Carney xilli uu khudbad ka jeedinayay magaalada Red Deer.
Si uu u dejiyo carada reer Alberta, Carney ayaa meesha ka saaray xeerar dhowr ah oo deegaanka la xiriiray, isaga oo sidoo kale taageeray dhuumo shidaal oo gobolka u saamaxaya inuu shidaalka u dhoofiyo dalalka Aasiya.
Sahan cusub oo uu shaaciyay Machadka Angus Reid ayaa lagu ogaaday in 66% dadka Alberta ay qorsheynayaan inay u codeeyaan in dalka lagu sii jiro, inkasta oo 60% ay rumeysan yihiin in dhaq-dhaqaaqa gooni-u-goosadka uusan waligiis dhammaan doonin.
Xogta ayaa sidoo kale muujisay in dadka taageersan kala go’a, 60% ka mid ah ujeedkoodu yahay oo kaliya inay “fariin digniin ah u diraan” dowladda federaalka, halka 37% oo keliya ay dhab ka tahay in la helo dal madax-bannaan.
Inkasta oo kooxaha gooni-u-goosadku ay soo bandhigeen qorshe ku-meel-gaar ah, haddana su’aalo muhiim ah oo ku saabsan ciidanka difaaca, lacagta la isticmaalayo iyo maamulka xuduudaha ayaan wali xal loo helin.
Madaxa xukuumadda gobolka Alberta, Danielle Smith — oo iyadu ku baaqday in Canada lagu sii jiro balse aftidan u qabatay culeys kaga yimid garabka mayalka adag ee xisbigeeda Conservative-ka — ayaa sheegtay in haddii aqlabiyaddu u codeyso madax-bannaanida ay u gudbi doonto afti rasmi ah oo sharciyan qasab noqon doonta.
Duane Bratt, oo ah professor cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Mount Royal ee Calgary, ayaa sheegay in su’aasha ugu weyn ay tahay halka dhaq-dhaqaaqani u jihaysan doono wixii ka dambeeya natiijada aftidan.
“Arrintani hadda ma dhammaanayso, sababtoo ah kooxaha goosashada doonaya hadda way abaabulan yihiin, shabakado ayay leeyihiin, waana isku xiran yihiin. Su’aashu waxay tahay miyey xoogga saari doonaan afti kale mustaqbalka, mise waxay abuuri doonaan xisbi siyaasadeed oo u gaar ah?”
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dadweynaha ku dhaqan gobolka Alberta ayaa ka qaybgalaya codbixin afti ah oo aan sharciyan qasab ahayn oo ku saabsan suurtagalnimada kala go'a gobolka ka mid ah Canada. Aftidan ayaa loo arkaa inay tahay jawaab celin ku saabsan cabashooyinka dhaqaale ee socda ee ka dhanka ah dowladda federaalka.
Qodobada muhiimka ah
- Dadweynaha ku dhaqan gobolka Alberta ayaa ka qaybgalaya codbixin afti ah oo aan sharciyan qasab ahayn oo ku saabsan suurtagalnimada kala go'a gobolka ka mid ah Canada.
- 66% dadka Alberta ayaa qorsheynaya inay u codeeyaan in dalka lagu sii jiro, inkasta oo 60% ay rumeysan yihiin in dhaq-dhaqaaqa gooni-u-goosadka uusan waligiis dhammaan doonin.
- Cory Morgan, oo ah aasaasaha hay’ad u ololeysa madax-bannaanida gobolka oo lagu magacaabo Pathway to Independence, ayaa dhaleeceeyay siyaasadaha dowladda federaalka ee ku saabsan warshadaha shidaalka Alberta.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan saameynta aftida ama eedeymaha ay soo jeediyeen falanqeeyayaasha siyaasadda.
- Lama helin jawaabo ka yimid dowladda federaalka ama aragtiyo ka soo horjeeda maqaalkan.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay sahanada ra'yiga dadweynaha iyada oo aan la helin xaqiijin madax-bannaan.
Gunaanadka akhristaha
Aftidan waxay muujinaysaa xiisadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee muhiimka ah ee u dhexeeya Alberta iyo dowladda federaalka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo aftida?
- Sidee ayay dowladda federaalka uga jawaabi doontaa natiijooyinka aftida?
- Maxay yihiin saamaynta muddada dheer ee dhaqaalaha Alberta haddii la raaco go'aanka gooni-u-goosadka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa kororka niyad-jabka ka jira Alberta ee ku aaddan siyaasadaha federaalka, taasoo saameyn ku yeelan karta isbeddelada siyaasadeed ee mustaqbalka ee Canada.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · kale · afti · canada
Sii akhri
- Golaha Mustaqbalka oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada Federaalka ee guddigu soo saaray
Hiiraanweyn
- Obama oo difaacay Ilhan Cumar kuna eedeeyay maamulka Trump inuu beegsanayo dadka ka aragtida duwan
Shabelle Media
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo casho sharaf u sameeyay xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto Koonfur Galbeed
Shabelle Media