Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyey Faragelinta DFS ee Puntland.
War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si weyn loogu hambalyeeyey ugu horrayn shacabka…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si weyn loogu hambalyeeyey ugu horrayn shacabka…
War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si weyn loogu hambalyeeyey ugu horrayn shacabka Soomaaliyeed loogu hambalyeeyey xuska munaasabadda 1da Luuliyo.
Golaha ayaa si adag u cambaareeyey colaadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka, xilli ay deegaamada qaar ka socdaan dagaalo ka dhan ah Daacish iyo Alshabaab.
Dhanka kalena, golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia inay ciidankii qaranka u adeegsadeen arrimo siyaasadeed ayna xilligaan duulaan iyo faragelin qaawan ku wadaan deegaamada Maamulka Puntland.
Ugu dambayn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, IGAD iyo saaxiibbada Soomaaliya inay si degdeg ah uga qayb qaataan xal u helidda xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isla markaana taageeraan geeddi-socodka dimuqraadiyadda, dastuurka iyo hay’adaha amniga, si looga hortago khataraha sii kordhaya ee argagixisada iyo kala daadashada dowladnimada Soomaaliya.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Horseed Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mustaqbalka · golaha · soomaaliyeed
Sii akhri
- Puntland oo qabatay ciidan ka tirsan Federaalka
Puntland Post
- Puntland oo gacanta ku dhigtay ciidamo ay DF ka qoratay Mudug
Caasimada Online
- Daawo: War cusub oo kasoo kordhay ciidamada DF ee u gacan galay Puntland
Caasimada Online